Sunday, 23 April 2017 14:28

Cida dhabta ah ee saylac qaska ka wada + hal seegtay mayor iidle iyo ku xigeenkiisa + hal maangal ah iyo mid kale aan maagal aheyn. Dr.khadar-Libaaxley.

Doqon  milantay   nin  xun  iyo  ciil  baa 

Murugada   abuuree   madmadow   halkuu

Galo  mashkaxaan   ku  dayayaa

Maashiyo   xanuunada   madagtaan  ku  gubayaa.

Kasha   dehatay   faalada   kalyaheyga  buuxisay   dacartaan  qalbigu   hayn  kareyn   daartay   feedhaha,  war   waa  kow   hadalna   waa  weeyi   ku   idlaa;  muraayad  marka  aad   qoraxda  u  dhigto  waxa  ay  ifisaa/cawartaa  meel  fog; taariikhaha  soo  dhacay   waxa   ay   daliil  u  yihiin  mahadhooyinka  hada  lagu  suganyahey!!.

Degmada  saylac  qaska  waxa  ka  wadaayi  waa  qayb  ka  mid  ah  siyaasiyiinta  iyo  xildhibaanada  Beesha  Ciise;  oo   kaashanaya  gacmo   hoose  oo  laga  hagaayo  daaha  dabadiisa; dal  iyo  darisba ,  Ciise  mid  muuqda ,  mid  dedan   iyo  daahira  intuba  waxbaa  u  meel  yaal  oo  guntan;  dano   dhaw  iyo  kuwo  fog,  kuwo  dad  badan   arkaan   iyo  kuwo  dadka   in  yar  ay  aragto ; saxna  wey  ku  yihiin  hadii  ay   u  marto .

Waxa   iyadna  xusid  mudan  qaswadayaasha  hormuud  u  ah  wiilka  aan  cidiba  waabin  waali ( maamulaha  kastamka  saylac  oo  xidid  xoogan  la  ah  una  safta  dhanka  beesha  ciise  had  iyo  jeer )

Waxa  daliil  u  ah  dabuubtayda  nagatifyada  aan  sifaynayo  dhacdooyinkan   dabadood :-

2012  dalka  waxa  ka  qabsoomay  doorashooyinkii  golaha  deegaanka ; degmada  saylac  waa (B) 17 mudane  ayaa  laga  doortaa, waxay  aheyd  taariikhda  markii  ugu  horeysay  ee  doorasho  food ah  la  galo ; waxaa  loo  kala  helay  loolankii  sidan:-

1)  7 xildhibaan Beesha  Ciise.

   10 xildhibaan Beesha  Gadabuursi.

2.) natiijada  doorashadii  diidmo  ka dhan  ah  oo  rabshado  mudo  socday  watay  ayey  guluf  ooda  kaga  qaadeen  dhamaan  xildhibaanadii  beesha  ciise;  xataa  waxa  ay  diideen   in  ay  qaataan  mayor  xigeenka   degmada  dawladuna  marag  bay  u  aheyd  sabankaas.

3) Xildhibaanadii  gadabuursi  kadib  markii  ay  ka  quusteen  in  aaney  u  soo  soconin  kal-fadhi  la  isugu  yimaado  xildhibaanada  ciise,  waxa  ay  maxkamada  qaranku  go’aamisay  in  xildhibaanada  inta  joogtaayi  iska   dhex  doortaan  ( mayor  iyo ku  xigeen )  ka  soo  jeeda  beelaha  deegaanka  gobolka  salal,  sida  ay   ugu  kala  badanyihiin  gobolkana  waxa  ay  u  kala  noqdeen  mayor  iyo  mayor  xigeen.

4) kadib  5 sanno  oo  diilalyiyo  ciil  iyo  dib  ruugid  ay  u  aheyd  qaar  ka  mid  ah  beesha  ciise  waa  dareenka  ay  qabaan  siyaasiyiinta  qaar  e’ ,   waxa  ay  miciyaha   la  heleen  gol-jilic  u  nuglaatayba ; garaad  iyo  garasho  waxay  tallo  ku  gooyeen   si  toodu  u  socoto;  in  ay  ciyaaraan  shaxda  god  fadhigeedu  yahey ( Hulo  baneysi  iyo  kuguuleysiga  kala  qaybinta  xildhibaanada  gadabuursi   goosan-goosan !!  waxa  taa  daliil   u  ah;  2012  xildhibaanada  beesha  ciise   isku  duubni  wadar  meel  mar  ah  bay  ahaayeen !!  5 sano  ka dib  illaa    kulamadii  u  danbeeyee  TV yada  laga  arkaayey  maalmihii  dhaweyd  wali  sidii  bay  isku  dhan  iyo  isku  cod  kaliya  u  yihiin ( No  democracy  and  nothing  else  except  only  one  thing ); halka  kuwii  gadabuursi  kala  jihooyin  iyo  kala  haab  noqdeen !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Ma  anigaa  sidaa  ka dhigay   akhriste  mise  adiga  laftaada  ayaan  lagaa  dhaweyn??! 

Waxa  Xildhibaanada  Ciise  mideeyey  ee  kuwa  gadabuursi   kala   geeyey  waa  maxay ?!  adaan  kuu  dhaafayaa  xukunka  mudane akhriste!!.

Maanta  mayorka  ay  colka  isku  dhafka  ah  ku  ridayaan  xildhibaanada  beesha  ciise  hilbaa  ugu  yaal  oo  abti  iyo  seedi  ayey  u  yihiin;  qaar  uu  mayorku   abti  u  yahey  ayaa  ku  jira   ayaan  daradooda?!!   hayeeshee  waxa  ay  cadeynaysaa  taasi  ( fikirka  ay  xambaarsanyihiin  iyo  qasdigoodu  in  uu  wax  walba  kala  weyn  yahey?!! oo  gol-jilic  ay  sii  dhex  maraanna  miciyaha  dhiiga  kaga  daadiyeen !!).

Dhagartooda  iyo  dantoodu  in  muxaafid  iyo  mucaarid  ba  ay  ku  weyntahay  waxaad  ka  garataa  ( kalfadhigii  dhagareysnaa  ee  u  dan  beeyey  ee  aan  sharciga  meelna ka  waafaqsaneyn;  waxa  ay  ku  qabsadeen  xarunta   xafiiska  xisbiga  kulmiye   oo  uu  u  furay  shirkana  kujiray  qaybna  ka  ahaa  arinta  gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye  ee  gobolka  salal  !!) yaab   iyo  amakaag  weynaa!!.

Waxa  aan  marmar  meelahaa  ka  maqli  jiray ( Gadabuursigu  waa  dad  kali  kali  u  nool---  individualist ; halka  dhamaan  beelaha  kale  ee  reer  somaliland  ay  u  noolyihiin  wadar-wadar---groups )  been  baan  u  haystay  ee  dhab  ayey  u  dhacday  oo  waataa  soo  mudh  baxday  fool  xumadeeda!! .

5.)  muhiimad  gaara :  dhanka  kale  iyada  oo  aan  wali  sifaynta  nagatifyada  dhacdooyinkii  u  dambeeyey  ee  saylac; ( xildhibaanada  beesha  ciise  waxa  ay  soo  ban  dhigeen  wax  lagu  farxo  oo  ah   in  ay  maanta   diyaar   u  yihiin  in  ay  helaan  mayor  xigeenka  degmada   saxna  wey  ku  yihiin;  hambaylyo  iyo  dheeraadna   hawada  ayaan  u   marinayaa ).

6.) mayorka  saylac  mudane  xuseen  iidle  barkhadle :  waxa  uu  karaamo , sharaf  iyo  qiime  weyn  kuleeyahey  waxqabadka  muga  leh  ee  uu  gobolka  ka  fuliyey;  hayeeshee  ( nimay  habari  dhashay  hal  maseegi  weydee, waxa  uu  gabey  kasbashada  kalsoonida  xildhibaanadii  xilka  u   dhiibtay  iyo  xildhibaanadii  cadhada  ku  maqnaa  markii  isaga  mayorka  laga  dhigaayey  ee  ladqabada  u  baahnaa  soo  xero  galintooda   iyaga  oo  labada  kooxood  ee  isku  dhanka  noqday  eray  food-qabadkoodu  noqday  sida  ay  hadiyo  jeer  dadka  ku  yidhaahdaan  oo  ah  la’aanta   hadal  macaan  iyo  gacan  macaan ).

7.) mayor  ku  xigeenka  saylac  mudane sacad  daahir  cige :  duruuf  iyo  xaalad  durkisayba  dan  baad  mooday  sidaa  aad  dooratay;  saxna  waad  ku  tahey  adiga  iyo  dookhaa  iyo  dareenkaa;  horaa  loo  yidhi ( inadeerkaa  fiicnaantaadana  ma’ogolla  fool-xumadaadana   ma’ogolla ),  kaliya  waxa  aad  hilmaantay  in  aad  yaqiinsato  marka  aad  aheyd  mayor  xigeen  in  aad  aheyd  mayor!! oo  ay  waliba   kuu  dheerayd  in  degmada  guud  ee  Borama  aad  mayor  ka  tahey  mayor  maxamed;   si  kasta  oo  uu  xaalku  yaheyba  waxa  aan  ku  leeyahay  qayrkaa  u  noolow.

Tallo  Soojeedin , Hafeef  iyo  gabogabo :

Dadka  waxa  aan  ugu  jeclahay  beesha  ciise  sababtoo  ah  inta   aan  ogahey  dhanka  aabbo  5  awoow  oo  isxig-xiga  ciise  ayaa  dhalay  gaar  ahaan  ( reer  geedi ) abuurta  iyo hidahayga  qofnimo  wax-weyn  bay  ku  leeyihiin,  ma  jecli  in  dhib  loo  gaysto  cid  ay  tahayba  mid  muuqata  iyo  mid  dahsoon  intaba,  waxa  aan  soo  jeedinayaa  in  dawladu  ka  hawlgasho  sidii  mayor  xigeenka  beesha  ciise  loo  siin  la  haa,  maan-gal  ma’aha  mayor  iyo  mayor  xigeen  isku  beel  ah  in  ay  haystaan  degmo  iyadoo  gobolka  beel  kale  ay  wada  yaalan;  rag  cadaalad   baa  deeqda!!.

Dadweynaha  reer  s/land  iyo  soomaali  oo  idil  meel   ay  joogaanba  waa  dad  xaruur  iyo  xalwad  ah  oo  macaan  horey  iyo  imikaba  hayeeshee  cudurka  iyo  caabuqa  nabarada  maguuraanka  ah  waxa  sameeya  ( siyaasi  wata  halbeegyo  iyo  afkaaro  guracan ) muruga  iyo  guraca  uu  beeray   siyaasiga  guracani  ayaa  jiil  ba  jiil   midhahiisa  qadhaadh  ay  gurtaan  taasi  ayaa  keenta  in  dadweyne  kasta  oo  meel  wada  yaal   dabka  iyo  biyaha  kala  qaadan  waayaan  sababna  u  noqda ( nolosha  oo  adkaata,  abaaro  iyo  colaado  dedan  iyo  kuwo  muuqda, dadkii  wadadhashay  oo  ay  dhexmarsanaadaan  khariidado  iyo  maabab  aan  la  arkayn  ay  maskaxdooda  ku  abuurantahay  oo  ay  muuqaneyso   si  aan  xikmadiba   ku  jirin  in  dadku  hoos  isku  yar  wada  necebyahey ,  jidh-diidnimo  jirto;  dhamaan  waa  midhaha  dhunkaaleed  iyo  tallo  siyaasi  guracani  beeray  oo  ay   mudantahey  hubsiimo   badan  iyo  madhxin).

Qof  ahaan   waxa  aan  aaminsanahey  in  dhamaan  reer  somaliland  oo  dhan  shucuub  teeda  in   aanu  wada-tashan  karno, wax-wanaagsan  isla  meel  dhigi  karno,  wax-wada  qabsan  karno,  guul  iyo  himilo  fogna  aanu   wada  hirgalin  karno  meel  la  joogaba.  

Dr.khadar -Libaaxley

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Regional  political  analysts

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree