Wednesday, 28 June 2017 01:59

SHEEKO : Aabbe aan maanta kaaga sheekeeyo nolol aad waalid iigu ahayd, balse aan kala qarsoonayn

Qaybtii koowaad.
Afeef
Sheekadani, waa mid ka mid ah dhacdooyinka runta ah ee ka dhex dhaca qoysaska, Somalida, Carabta, Afrikaanka iyo shucuubta caalamka kale ee ku nool qurbahan reer Galbeedka, gaar ahaan Yurub, America, Australia iyo meelo kale.
Qisadani kuma salaysna siyaasad, bulsho gaar ah ama dad gaar ah. Ujeeddo gaarna ma xambaarsana. Hooyada wanaagsan ama aabbaha wanaagsan oo keliyana ma tilmaamayso. Waalidka ay carruurtooda sida adag ula dhaqmana ma bar-timaameedsanayso. Laakiin waxa ay cashar u tahay guud ahaan waalidka, gaar ahaanna waalidka la daalaa dhacaya carruurtooda, ee garan la' meesha ay wax ka qaldan yihiin.
Qoraalkan waxa aad akhristow kala kulmi doontaa qaybo kaa nixiya, qaybo aad ku cibro qaadato iyo qaybo kuu diga amma.... amma ku tilmaama ka waalid ahaan. Marka aad sheekadan oo qaybo ah dhammaysatid ama aad ku dhex jirto, waxan kaaga fadhiyaa in aad aragtidaada ka soo dhiibato, adiga oo farriintaada iigu soo hagaajinaya....... This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it..
Hordhac
Waa maanlin ciideed sida maanta (26/06/2017 ) oo kale, waxan aabbahay Cige u raacay barxadda Hyde Park ee ku tallaala London, ee ay muslimiinta xaafadahayagani ku soo tukanayaan maanta salaadda Ciidda. Xilligu waa subax hore. Waxan aabbahay kula soconnaa; Hooyo Faadumo, aniga oo Maryan ah iyo saddex wiil oo aan walaala nahay.
Aabbahay Cige intii aan wada noolayn iigama baran in aan salaan iyo aabbo mooyaane wax ka badan is dhaafsanno. Maantase waxan doonayaa amma ka fekerayaa in aan aabbahay uga sheekeeyo wax badan oo uu ogyahay amma aanu ogeyn oo ku saabsan noloshayada amma gaar ahaan noloshayda. Taasi oo aanu iiga baran. Balse aan u arko muhiim. Waxanse is leeyahay, " Tolow muxuu dareemi, haddaad uga sheekayso arrimaha qaar."
Waa sida aan u haystee, aabbahay waa miskiin, Ilaahay isugu daray dulqaad iyo naxariis. Waa aabbe mar walba u darban hawshiisa, daryeelkayaga iyo danta reerka. Laakiin dhinaca guriga waxa aan kula soo bar baaray isaga oo culays badani ka haysto. Mana ahayn odayada asxaabtiisa la soo baashaala, amma suuq joogga ah.
Hooyo Faadumo waa Maammo aad uga da'yar aabbahay, waana quruxlay aad u xarrago badan una asxaab badan. Hooyaday iyo aabbahay aad ayey u kala dabeecad duwan yihiin. Waasa Maammo hawl kar ah oo marka ay shaqo u dhaqaaqdo aad ka yaabayso.  Way asxaab badan tahay, had iyo jeerna waxa ay mashquul ku tahay saaxiibbadeed iyo xaflado.
Markii aan salaadda dhammaysannay ayaan aabbahay hoos ugu sheegay in aan rabo maanta in aan wakhti wada qaadanno, si aan u sheekaysanno. Isna waa uu iga aqbalay, waxase uu markiiba hooyo Faadumo u sheegay in aan maanta wakhti wada qaadadayno, oo weliba aan anigu ka codsaday.
Hooyo Faadumo inta ay toos iigu timid ayey igu tidhi, " Naayaahee, maxaad u doonaysaa inaad aabbahaa kala sheekaysato? Innaga ayaa isku dumar ahe, haddii ay wax jiraan miyaad aniga ii sheegtid? Waaba yaab! .....Maanta ma taasaad keentay! waa innoo guriga"
" Hooyo macaan, khalad ha u qaadan in aan maanta aniga iyo aabbo soo wada baashaallo. Wax aan kaa qarinayo, oo aanad ogayna uma sheegayo. Immigana gabadh weyn ayaan ahay, oo ma doonayo in aan wada nolosheheenna oo wakhti yariba ka hadhan yahay ku khatimo si aan fiicnayn. Adiguna hooyo I aammin, oo khalad ha ka fahmin in aan aabbahay maanta isku gaar noqonno. Waxanan kaa ballan qaadayaa in aan wax kasta oo nolosheennii hore iyo tan immiga  aan ku jirraba ka wada sheekaysanno." Hooyadeed oo ay ixtiraam badan u muuinayso ayey Maryan sidaa ku celisey.
Marka aan sidaa ugu jawaabayo hooyaday, Ilaahay uun baa og waxa calooshayda ku jira. Wakhtigii aan yaraa amma aanan wax badan ku dhiirranayna waan ka soo gudbay. Cabsi iyo fikir kale oo hurdo la'aan igu ridana waan ka koray. Xaquuqda waalidkay igu leeyihiinna waan garanayaa, weligayna kuma xad gudbin labadayda waalid midkoodna, immigana ma jecli in aan sameeyo dhaqan aan la iiga baran.
Bilow
Aabbe Cige oo inantiisa la hadalayaa waxa uu ku hadalkiisii ku billaabay su'aashan, " Aabbe weligaa igamaad codsan in aan si gaar u wada sheekaysannee, maanta malaha wax weyn ayaad ii sheegi rabtaa? "
Maryan, " Aabbe, waa caadi in aan sheekaysanno, weligaybana waan jeclaa in aan wada sheekaysanno, ama aan kaa dalbado amma aad adigu iga dalbatide. Weliba wakhtiyada qaar ayaan aad u jeclaa. Ilaahay ayaanse qorin. Waana runtaa oo dalabkaygani caadi maaha, waayo waanad iiga baran..... kkkkk. Balse, miyaanad ii arag inantaadii oo weyn, oo mas'uul ah, ood wada sheekaysan kartaan? Wax walbana fahmaysa. Wax walbana aad ka wada sheekaysan kartaan. Una bislaatay in ay si waayeelnimo kuula faqdo."
Aabbo Cige," Bal ii wad sheekada."
Xilligu waa subax laga soo baxay salaaddii hore ee ciidda, waxana ay Aabbaha iyo inantiisu xilligaa wada lugaynayaan xadiiqadda weyn ee aan ka yarayn saddex Kilometer oo dhinac walba ah ammaba ka weyn. Labadubana hoos ayey u fooraraan, sheeko aan caadi ahayn ayaanay goordhow bilaabi doonaan.
Maryan ayaa iyada oo aabbeed la hadalaysa hadalkeedii ku bilowdah. " Aabbe ma ku weydiin karaa, sida aad nolosha qoyskeenna aad Aabbaha ka tahay u aragto, gaar ahaanse siday kuula muuqataa noloshaydii aad igu soo koriseen adiga iyo hooyo? Waxse ma iiga sheegi kartaa, sidii aan ku soo bar baaray, ee aan idinkula noolaa?
Aabbe Ciga: Aabbe waxad I weydiisay su'aal adag, oo aanan si fudud uga jawaabi karin, ee bal ii faah faahi waxa aad ula jeeddo. Haddii kale uga gudub ujeedkaaga, oo adiguba bal iiga sheekeey sida ay nolosheennu kuula muuqato. Amma sidii aan muddada dheer ku soo wada noolayn."
Intaa markii ay odaygii iyo inantiisii is dhaafadeen, ayey inantii Maryan ooydey, oo illini ka soo daadatay indheheedii. Odayga oo markaa ay is hor taagnaayeen, oo wejigeeda iyo wejigiisu isu beegnaayeen ayey oohintii inantiisu ku noqotay mid lama filaan ah oo qalbigiisa taabata. Waxana maskaxdiisii ku soo dhacay su'aalo badan, oo uu iska weydiinayo, sababta ay inantiisu la ilmaysay, ee ay la ooyeyso. Waxanu ku dadaalay in aanu isna la ooyin oo aanu la qiiroon, ee uu horta dejiyo, weydiiyo su'aalo......Aabbo, maxaad la ooydey? Aabbo ma dhib ayaa jirta? Aabbe Maryan miyaad xanuunsanaysaa? Aabbe wax kasta raalli ayaan kugula ahay ee waxba ha iga qarin.
Maryan: Aabbe waxba iguma dhicin, mana xanuunsani ee 100% waan caafimaad qabaa, wax xun oo immiga ila soo darsay oo aan ka ooyayaana ma jirto, ee waa xasuus waxa aan la ooyayaa......
La soco qaybta danbe.
QAYBTII LABAAD
Aabbe wax kale maahee, waxan yara xasuustay, dhacdooyin marka aan kaaga sheekeeyo aad ila dareemi doonto. Laakiin wixii aan kuu sheegi lahaaba ma garanayo meel aan kaaga billaabo. Inkasta oo wax kasta oo I soo maray amma inna soo marayba ay I wada hor yaallaan. Oo dhinaca aan ka bilaabaaba uu bilow fiican ii noqonayo. Hase yeeshee, aabbe ma jecli in aan kaa nixiyo amma ku war war geliyo. Waayo dhib iyo naxdin in kugu filan waad soo qaadatay, mana moogi xaalkaaga iyo duruufaha aad nagala soo dabbaalatay iyo adkaysigaaga. Miyaanay aabbe sidaa ahayn?
Intaa markii ay Maryan aabbeheed ku tidhi, ayaa aabbeheed Cigena hadalkii qaatay oo yidhi, " Aabbe....inantaydiiyey, carruurtayda tii ugu weyneyd ayaad tahay, jacayl uu waalid ilmihiisa u qabana ka ugu sarreeya ayaan kuu qabaa. Laakiin odhaahahaagu maanta iilama muuqdaan kuwa aan kaaga bartay amma caadiya. Waxanan dareemayaa in aan la sheekaysanayo qof kale oo iga weyn ama iga maskax badan. Haddiise aad sidan u hadal yaqaan tahay maxaan wakhti hore u wada sheekaysan weyney? Uma jeedo in aan ku leehay hadal aqoon kuma moodayn ama si kale.....Maya....adigu khalad ma lihid, aniga ayey ahayd in aan ilmahaygiiyey kula sheekaysto amma wada sheekaysanno, si arrimaha aad maanta igala hadlaysaa ay innoogu fududaadaan. Maantase, waxa ay ila tahay in aanan garanaynba sida aan ahay ama waxa igaga kaa soo bixi".
Cige iyo inantiisu weli waxa ay ku sheekaysanayaan socod iyo mar mar ay fadhiisanayaan meelaha fadhiga loogu tala galay ee ku yaalla xadiiqaddan weynaanta badan. Mar marna is hor joog amma is garab socod ayey ku sheekaysanayaan . Dadka hareerahooda marayaana maaha kuwa dhegeysanaya amma ay is garanayaan, qof wal oo xadiiqadda joogaana maanta waxa mashquuliyey tiisa, qoys wal iyo lammaane walbaana dhiniciisa ayuu isku raalli gelinayaa oo ay u wada socdaan. Sidaasi daraaddeed, fursadda ay Maryan-yarey maanta u heshay aabbeheed waa mid ay wakhti badan isku heli karaan. Malaha caawa uun bay gurigii ku hoyan doonaan.
Sidii ay u wada socdeen, ayaa Maryan mar keliya aabbeheed ka dalbatay in ay barxad hadh qabow hoos fadhiistaan, markii ay fadhiisteenna waxa ay bilowday sheekadii waxana ay tidhi, " Aabbe, maxaad u malayn haddii aan maanta ku weydiiyo, in ay Hooyo Faadumo i dhashay iyo in kale!  Su'aasha noocaasi ah waxa iga keenay, hab dhaqanka ay Hooyo weligeed igula dhaqmi jirtay, oo aan marnaba iigu muuqan mid hooyonimo. Bal ka warran haddii aan ku idhaa Hooyaday Faadumo weligay kama maqlin iyada oo hooyo I leh. Ereyga ay mar walba iigu yeedhaa waa NAAYAA,  illaa markii aan wax kala gartay ee aan malaha saddex jir ahaa, NAAYAA ayuun bay iigu yeedhi jirtay, mararka qaar aan sii yaraa ayaan moodi jiray magacayga. Midda kale waxa ay hooyaday ii istimaali jirtay sida booyeyso amma jaariyad. Waanan ku khasbanaa in aan yeelo amarkeeda iyo shaqada ay guriga ee ay mar walba ii dirayso. Taasi ayaa iga keentay in aan ku weydiiyo su'aashan qaldan, ee aad aabbe madaxa ka foorarisay.
Aabbe markii aan yara weynaaday ee aan inanta noqday ( Inanta waxa aan uga jeedo, waad i fahmaysaa ), marna ma helin kaalmadii inani ay uga baahnayd waalidkeed, gaar ahaan hooyadeed. Fulayad aan kalsooni iksu qabi karin ayaan ka dhaxlay habkii ay hooyaday iila dhaqmaysey. Gooni socod ayaan ka noqday gabdhihii filkay ahaa. Waxanan ka biqi jiray in ay I caayaan. Waabay I caayi jireen, oo cadar la'aan iyo is qurxin la'aan ayeyba igu dacaayadayn jireen. Anna Ilaahay uun baa I ogaa, xaalkayga iyo nolosha xun ee ay hooyaday I badday. Si ay hooyaday ka ahaydna ma garanayo illaa immiga. waxana igu badnaa, shakiga aan ka qabo in aanay malaha iba dhalin....aabbe in aan hadalkaa ku damqaya ku cel celiyo ma doonayo, ee iga raalli ahaw. Laakiin waxad iga oggolaataa, in aan maanta kugu neefsado, oo aan iska gooyo xanuun aan muddo dheer la soo noolaa, oo aan ku soo koray. Balse immiga xasuustiisii uuni igu hadhay.
Maryan oo hadalkeedii sii wadata ayaa odaygii aabbeheed ahaa ku leh, " Aabbe, ma moogi kaalintii aad waxbarashadayda ka soo qaadatay iyo sidii aad kor ugu soo qaadday maaddooyinkii aan ku dhacay imtixaankii dugsiga sare. Maalin aad I waanisay ayaan kalsooni helay, waxanan waanadaadii iyo dadaalkaagii ku gaadhay in aan guul ka gaadho imtixaannadii aan ku noqday. Guushiina waa taasi maanta aan ku shaqaysanayo. Ma xasuusataa waanadii aad I siisay xilligaasi?
Oday Cige mar kaliya ayuu inantii kor u soo eegay, isaga oo ay indhihii casaadeen sidii uu oohinta isugu celinayey. Haddana ilmadii indhihiisa ayaaba aad u soo da'aysa, hadal uu inantiisii ku celiyana waxa uu hal haleel u helay....aabbe I cafi, oo Ilaahay hortii igu cafi. Danbi ayaan kaa gallay. Oo weliba aan anigu kaa galay, maanta waxan dareemayaa in aanan mas'uuliyaddii waalidnimo ee iga kaa saarraa ka soo bixin. Cashar ayaad ii dhigtay maanta.  haddii aan wakhti hore ogaan lahaa, nolosha aad iiga sheekaynayso, sidaa iigumaad dul akhrideen danbiyadii aan kaa gallay, hooyadaana waa ila mid......hooyo Fadumo iyada ayaa ku dhashay, 9 bilood caloosha kugu sidday, fooshii ay ku dihanaysayna dhib ayey kaala kulantay. Kumana necba, ee ma garanayo sida ay wax yihiin....
Duq Cige markii uu sidaa ku cataabay, ee ay yartiina mar kale ku dul oyday, ee ay isku dul baroorteen, ayey mar kaliya Maryan boorasadeedii ku hor furtay aabbeheed. Kadibna, waxa ay ka soo saartay buqshad ay lacagi ku jirto, waxana ay aabbeheed guddoonsiisay buqshaddii, iyada oo leh, " Aabbe lacag ayaa buqshaddan ku jirta, waana mushaharkii iigu horreeyey ee aan ka helo shaqadayda aan bishii hore billaabay. Waxanan go'aansaday in aan lacagtan ku siiyo, waanad iga mutaysatay. Xaalkaagana illaa yaraantaydii ayaan la socdaa. Oo noloshaada waxad u dullaysey sidii aad noo korin lahayd. Xataa waxan ogahay in aanad marnaba awoodin in aad hooyadaa u dirto 100 doller. Halka ay hooyaday bil walba lacago u dirto hooyadeed iyo abtiyaday.....Aabbe adiga ayaa shaqeeya, hooyo ma shaqayso, lacagta ay dawladdu innagu kabtaana waa mid aan ka qoys ahaan leenahay. Maamulkeedana lagaama xigo. Balse, buuqa hooyo iyo kulaylkeeda ayaad wax walba gacanta uga saartay. Maantase anaa ku garab jooga, hooyadayna dulmiyi maayo, weliba waan caawin, oo xaqeeda waan marin. Walaalahay waxa ay tabayaan iyo baahidoodana waan kula garab geli. Ee farxaddaa iyo wanaaggaa aan isku ogaanno. Sheekadaydan iyo wax badan oo kale oo aan kuu sheegi doonaana waxa ay i siinaysaa caafimaad, ee ha u qaadan in aan immiga ku jiro marxalad xun. Hooyana ha u sheegin warkan aan kugu akhriyayo.....
Qaybta saddexaad la soco.
Ahmedweli Goth
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree