Tuesday, 11 July 2017 17:37

Reer Kulmiye Burco way midowday bay ka bukaan...Burco bulsho qudha bay noqotay bay ka bukaan by Abdi Mustafe

Eryada maal mahan Burco lagaga dhawaaqayay waxa ka mid ahaa

Kulmiyow balantii horaad nagu baadha-teen oo inay been ahayd baranaya ogow.....

Burco bulsho qudha bay noqotee ogow. Waan badheedh-sanoo Burco waa Waddani....

Sidii horeba siyaasiyiin Waddani ka tirsani ay u sheegeen bariga Somaliland muu noqon meel lagu muran sanyay ee Waddani baa awood buuxda ku yeeshay. Kulmiye na calool xanuun iyo shuban ayuu ka qaaday dabeed tala doodi waxay noqotay inay taageeraal Waddani ah xidh-xidhaan. Badhasaabka Togdheer Ramaax iyo wasiir Cali dhega-qool waxay ka baqeen in xilalka laga xayuubiyo oo lagu yidhaa sidee beeshiinu Waddani uugu biirtay hase yeeshee xadhigu noqon maayo mid ay canaanta u iminaysa iskaga gudbi karaan oo xisbiga Waddani na wuu ku sii bararayaa oo taageera yaal badan buu ku heleyaa marka shicibku ogaado dulmiga bulshada lagu hayo. Kulmiye beelaha is raacay bay ka bukaan sidaa darteed bay banka uuga baroora-nayaan. Burco awalba Kulmiye kuuu taamayn oo way ogaayeen in aanay farxad kala soo noqonayn ee waxa ay qiiq madaxooda ka bixi doonaa oo qiyaama hoodu kici doonaa marka Galbeed na taasoo kale ka qabsato ee xisbiga Waddani kaga awood bato oo hubaal ah. Kulmiye sowkan liita ee leexadu sidato ee kolba taageera yaal Waddani xidh-xidhaya. Kulmiye sowkan laabta iyo lugaha isla waayay ee meel cidla ah lul-manya. Banaf weeye Kulmiyihii giig sanaan jiray markuu Silaanyo mucaaradka ahaa.

Dhabihii UDUB buu Kulmiye qaaday oo xisbi Afican ah oo sideed sano wadan xukumayay soo noqo shadiisu waa calaa-casha oo timo ka soo baxaan. Isku soo xoori, reer Kulmiye wey ogyiin in Waddani kursiga ku ruqaan sanayo oo  ee Xukuumada iyo xisbigooda ayay indhasarcaad u dhigayaan si dhowrka bilood ee hadhay bililiqada uuga qeyb galaan. Wasiiro bada ayaa habeen kiina Waddani ah maalin tiina Kulmiye ah.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree