Wednesday, 11 October 2017 10:09

Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Qorshe Itoobiya Hordhigtay Musharixiinta Doorashada Somaliland Oo Addisababa Looga Yeedhay+Saraakiil Hargeysa..

11/10/2017 (BNN) Warar xaasaasiya  oo naga soo gaadhaya kulamo Itoobiya la yeelatay Musharixiinta Somaliland Ee Muuse Biixi Iyo Cabdiraxman Ciro ayaa la sheegayaa in Itoobiya soo hordhigtay qorshayaal xaga amaanka ah.

som1. 300x200

Warkani ayaa sheegaya in dawlada Itoobiya oo maalmahan Hargeysa kusoo daldashay tiro saraakiil ciidan ah oo hadh iyo habeen dhextaagan madaxtooyada Hargeysa ay muujinayso wax iska badal dhaqdhaqaaqa Itoobiya ee Somaliland.

Qorshaha Itoobiya wadato ayaa lagu sheegay inay Musharixiinta ka wargalisay in Itoobiya qorshaysay ciidamo kooban oo Itoobiya leedahay oo ilaalo ka qabanaya Madaxtooyada iyo marsada ama dekeda Berbera iyo saraakiil janaraalo ah oo inta doorashadu socoto si toosa Madaxtooyada ugala talinaya amaanka goobjoogna ku ahaana Hargeysa.

Warkani ayaa sheegaya in Musharixiinta Somaliland ka yaabeen qorshaha danaysiga ah ee Itoobiya wadato,Waxaana la xaqiijin karin jawaabta rasmiga ah ee Itoobiya siiyeen masuuliyiinta Xisbiyada Wadani Iyo Kulmiye oo Addisababa looga yeedhay.

Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa oo ku dhaw guriga Siilaanyo  taasi oo si fudud saraakiisha Itoobiya usoo dhexgalaan xafiiska Siilaanyo,walwal wayna ku reebtay masuuliyiinta Somaliland,lama oga qorshaha Itoobiya sida uu u hirgali doono.

Wixii warkaasi kasoo kordha isha ku Hay Boramanews.com

Cabdiraxman X.Xasan (Suul)

Boramanews/Hargeysa

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree