Thursday, 12 October 2017 15:34

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Puntland Oo Boqolaal Milyan oo Shilin Soomaali ah Ku Gubay Magaalada Bosaaso

12/10/2017 (BNN) Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Puntland Oo Boqolaal Milyan oo Shilin Soomaali ah  Ku Gubay Magaalada Bosaaso

 

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah gubay lacag shilling Soomaali oo la sheegay in laga diidey gudaha Puntland, sidoo kale waxaa lacagtaas kamid ahayd mid duug ah oo Puntland ka soo gashey gobolada Bartamaha Soomaaliya ah taasoo ay dhawaan qabteen Ciidanka Kontoroolka magaalada.

Waxaa ka qaybgalay munaasabaddii lagu gubey lacagta Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe oo weheliyaan maamulka gobolka, Maamulka Bangiga, Agaasimayaasha Wasaaradda.

Lacagtan sida uu sheegay maamulaha Bangiga Boosaaso Muuse Aw Xuseen waxay dhan tahay Lix boqol oo milyan oo Sh.so taasoo Puntland uga timid dhanka gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii danbe waxaa Puntland ka taagnaa jaahwareer ah qaadashada lacagta shilinka, waxaana taasi keentey in qiimaha dollarku si aad ah kor ugu kaco.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree