LOGO3ABDUU

Thursday, 07 December 2017 00:19

Sacuudiga Oo Dusha Loo Saaray Masuuliyada In Caasimada Yuhuuda Loo Aqoonsado Magaalada Qudus Iyo Maskaxda Ka Dambaysay Oo Lakhashifay+SAWIRO

jaredbibi

06/12/2017 (BNN) Sida warbaahinta CNN iyo wargayska Haaretz ee Yuhuuda kasoo baxaayi faaqideen ayaa waxa la,iswaydiiyay sobobta maamulka Trump u degdejiyeen aqoonsiga Qudus inay tahay Caasimada Yuhuuda.

Arintani ayaa hoosta laga xariiqay waxaana la cadeeyay in wiilka uu sodoga u yahay Madaxwayne Trump isla markaana lataliyihiisa gaarka ah Jared Kushner oo Yuhuudi ahi kadambeeyay soo afjarida muranka Qudus isla markaana

socdaalo qarsoodiya ku tagay Boqortooyada Sucuudiga oo ay heshiis hoose lagaadheen qoyska Boqortooyada taasi oo qoyska Sucuudigu Qudus iyo arimaha Falastiin ku badasheen Mooshin Barlamanka Maraykanka laga dhexwaday oo Sacuudiga Magdhaw looga raadinayay weerarkii Septambar 11 ee daaraha dhaadheer ee Newyork.

Qoyska Sacuudiga ayaa loo soo bandhigay in dhaxalsugaha laga dhigo Maxamad Salman oo ah wiil da,yar oo meel halisa ka gaadhay tumashada iyo balwadaha gaalada.isla markaana ah ganacsade saaxiib dhaw yihiin madaxda iyo hogaamiyayaasha Yuhuuda tiroba 4jeerna qarsoodi ku tagay Israel.

ku

Isbadalka Sucuudiga ku yimiday iyo muranka wadamada Khaliijka gaar ahaan Qadar iyo dagaalada Sokeeye colaadaha dhexdooda ka taagan ayaa maxalil siyaasi ahi ku sheegay inay soo dedejisay in Qudus tahay goob Muslimka laga wareejiyo indhahooga.

Siyaasi lahadlay CNN oo Maraykan ah ayaa sheegay in talaabada Trump meel halisa dhigayso danaha Maraykanka isla markaana hogaamiyayaasha Muslimiinta ee Taageersan Maraykankana ay halis galayaan kacdoon shacabkooga kaga yimaada.

Dunida Carabta ayaa marnaba si adag uga hadlin Iran Iyo Turkiga ayaa talaabadaasi ku sheegay dhagar badheedha oo Muslimka loogaystay.Halka wadamada Midowga Yurub ku sheegeen dhimashadii nabad ka dhexdhalata Falastiin Iyo Yuhuuda.

salm

 

soaaa

 

kushner

qud

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree