LOGO3ABDUU

Friday, 12 January 2018 10:52

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Xafiis Ka Furanaysa Gaalkacyo Iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ku Sugan Kaalkacyo

12/1/2018 (BNN) Wafdi uu hugaaminayo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyeen, xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay deeganadaasi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo masuuliyiinta Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa u joogo Magaalada Gaalkacyo dhameystirka dadaalka nabadeed ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka waddo magaaladaasi.

Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan Ururuda 21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deeg ah eey ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya isla markaana eey hadda heleen gunnooyin iyo agab ciidan oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ku wareejisay sida uu u sheegayWarbaahinta Qaranka G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidmada Qalabka Sida.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu u sheegay Qaranka in ay la kulmeen dhammaan qeybaha bulshada oo ay kala hadleen sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa nabad gelyada.

Gaalkacyo waxaa ka jiray ciidama beeleedyo, maleeshiyaad aan ka amar qaadan labada maamul ee halkaas ka jiro, ka ganacsiga maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan oo laga keeno magaalada meel ka baxsan, waxaana arrimahaasi dhan oo is biirsaday ay sababeen isku dhacyada ciidamadaasi oo loo tiirin jiray qabiilada iyo maamulada halkaasi ka jiray balse taasi waa la sooafjaray oo cutubyadii ugu horreeyay ee Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay Magaaalada.

Maxkamad Ciidan oo heer dowladda dhexe ah kana madax banaan maamuladaasi ayaa laga hirgeliyay magaalada taasi oo la shaqeyn doonto ciidamada isku dhafka ah ee u madax banaan howlahooda waxa ayna maxkamaddaasi qaadi doonto dacwad kasta oo hubeysan oo lid ku ah amniga magaalada sida uu u sheegay Warbaahinta Qaranka G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay marti geliso wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hugaaminayo oo socdaal loogu magac daray socdaalka nabadda ku marayo deegaano badan oo ka tirsan goballada dhexe.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree