borama 250x250

ABDUU

Friday, 12 January 2018 15:16

4-Sano Guuradii Kasoo Wareegtay Doorashadii Madaxweyne Gaas Oo Magaalada Boosaaso Lagu Qabanayo Iyo Sobobta Loogu Qaban Waayay Garoowe

12/1/2018 (BNN)  Sida ay Sheegayaan Ila Wareedyo ku sugan Magaalada Boosaaso waxaa Caawa Magaaaladaasi lagu wadaa in ay ka dhacdo Munaasabadda 4-sano guuradii kasoo wareegtay Markii Madaxweyne Gaas loo doortay Madaxweynaha Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galaya Xubno isugu jiro Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, waxaana Dhanka Dowladda Hogaaminaya Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan Magaaladaasi.

Waqtigii la doortay Madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku beegneed 8-dii bishaan, waxaana dib udhac ku yimid Xafladaasi oo lagu waday in ay ka dhacdo Magaalada Garoowe, iyadoona Sabab looga dhigay Weerarkii Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay kula wareegeen Deegaanka Tukaraq.

Maamulka Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah maanta geeyey Magaalada Boosaaso, waxayna wararku sheegayaan in looga gol-leeyahay sidii ay Amniga u sugi lahayeen inta ay socoto Munaasabadda Caawa la filayo.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta la kulmay Xubno isugu jiray Siyaasiyiin, Aqoon yahano iyo Odoyaasha Dhaqanka ee Magaalada Boosaaso.

Waxyaabaha uu kala hadlay ayaa ubadnaa sidii loo xoojin lahaa Taageerada Dowladda Federaalka, dhinacyadii uu la kulmay ayaa dhankooda iyane dalbaday in Dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo aysan noqon Mid hilmaamtay dhaqan gelinta waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo Axaddii Todobaadkaan Safar ku jooga Deegaanada Puntland, waxaana lagu wadaa in Berri uu kusoo gaba-gabeeyo Safarada Puntland Magaalada Gaalkacyo, si uu usii galo Maalmo kale uu ku bixinayo Deegaanada Galmudug.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree