borama 250x250

ABDUU

Monday, 12 March 2018 17:06

Saraakiisha Ciidamada Milatariga Somaliya Ee Ku Sugan Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Shaaciyay In Dilen Wiil Uu Dhalay Hogaamiyaha Alshabaab Iyo Saraakill Kale

12/3/2018 (BNN) War ay baahisay Idaacada Codka ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ciidamada Kumaandooska Soomaaliya xalay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay Wiil uu dhalay Amiirka Al Shabaab iyo Saraakiil kale.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo gacan ka helayay Ciidamo katirsan Kumaandooska Mareykan ayaa la sheegay in xalay howlgal ka fuliyeen Degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeekaha Hoose.

Saraakiil katirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada ciidamada qalanka sida ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay Wiil uu dhalay Amiirka Al Shabaab oo lagu magacaabo Xasan Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka ka dhacay Kuntuwaarey lagu dilay labo sargaal kale oo katirsan Al Shabaab oo magacyadooda lagu sheegay Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur).

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay saraakiisha Milatariga Soomaaliya, sidoo kale ma jiraan ilo kamadax banaan warkan ay baahisay Idaacada Ciidamada dowlada afkooda ku hadasha ee ku aadan dilka Saraakiishan Al Shabaab katirsan.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa marar badan howlgalo qarsoodi ah ka fuliyay deegaano iyo Degmooyin ay maamulaan Al Shabaab, waxaana howlgaladaasi qaarkood lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree