Tuesday, 15 May 2018 11:20

" 23 Jeer Bay Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyey Ay Na Soo Weerareen Ciidamada Puntland .." Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq

15/05/2018(BNN) Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo goor dhaweyd ka hadlayey dabaal dega xuska 18 May waxaa uu ka Hadley dagaalka Tuko-raq saaka ku dhex maraaya Somaliland iyo Puntland .

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay ciidamada Somaliland soo weerareen saddex bilood ee ugu danbeeyey 23jeer

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftey in dagaalka saaka uu ka fursan waayey in Somaliland ay ka jawaabto , isla markaana waxaa uu madaxweyne Biixi ku hanjabey in ciidamada Puntland ay u dhigi doonan casharkii ay Somaliland u dhigtey dawlada Maxamed Siyaad Bare .

"Waxaan u sheegayaa qaranka Somaliland in ciidanka Somaliland ay ka gaadheen guulo la taaban karo dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray oo ay weliba hubna ka furteen jabiyeenna difaacii ciidanka." ayuu yidhi madaxwweye Biixi.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree