borama 250x250

ABDUU

Tuesday, 10 July 2018 14:49

Deg Deg: Shan Qof Oo Soomaali Ah Oo Lagu Gawracay Tuulada Guuleed Ee Ku Taalada Xuduudka Qoomiyadaha Somalida Iyo Oromada Ee Dalka Itoobiya Iyo Xaalada Oo Kacsan

10/09/2018(BNN) Wararka ka imaanaya Tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deegaannada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Shan qof oo Soomaali ah, walibana ay Gowraceen Oromada.

Nabadoon Maxamed Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in raggan ay soo weerareen rag hubeysan oo Oromo ah, sidaasina ku qabteen, kadibna ku Gowraceen.

“Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro” ayuu yidhi Nabadoonka.

Dadka Soomaalida ah ayaa isaga soo barakacay deegaannada ay ku xooggan yihiin Oromada, dagaalladuna waa mid aan joogsi lahayn.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree