ABDUU

Thursday, 09 August 2018 09:07

Wasiirka Arimaha Dimada Somaliya Oo Sharaxay Mowqifka Dowladda Fadaraalka Somalia Ka Qaadatay Khilaafka Dalalka Sacuudiga Iyo Canada

09/08/2018(BNN) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharaxay muhiimada Warsaxaafadeed maalin ka hor Wasiiradiisu ay soo saartey.

Warsaxaafadeed ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Xukuumadda Soomaaliya ay adkeyneyso mowqifka Sacuudiga ee khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Canada,waxaana u muuqatay in dowladdu taageertay Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xukuumaddu aysan sigaar ah u taageerin Sacuudiga laakin mowqifkoodu uu yahay in xal la gaadho.

Waxa uu sheegay Wasiirku isaga oo la hadlayey Idaacadda BBC-da in dowladda Soomaaliya aysan shaacin hadalo ay ka caroon karto dowladda Canada balse ay cadeysay in khilaafka Sacuudiga iyo Canada wadahadal lagu dhameeyo.

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhaliilern Warsaxaafadeedkii ka soo baxsy Wasaaradda Arrimaha dibada,isla markaana ay faraha la gasho arrimaha labada dowladood ee Sacuudiga iyo Canada.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree