borama 250x250

ABDUU

Friday, 10 August 2018 10:00

Dawlada Sucuudiga Oo Soo Celisay Markab Siday Ku Dhawaad 30 Kun Oo Neef Oo Dhawaan Laga Dhoofiyay Somaliya Iyo Sobobta

10/08/2018(BNN) Caadiyan marka uu soo dhowaado mowsimka xajka, Soomaaliya waxaa laga dhoofiya xoolo aad u fara badan, kuwaasoo loo dhoofiyo dalka Sacuudiga.

Hase yeeshee laba maalmood ka hor, waxaa Sacuudiga laga soo celiyey markab siday xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay ilaa 30 kun oo neef, sida laga soo xigtay ganacsato Soomaali ah.

Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey ayaa la filayaa inuu ilaa Sabtida ku soo xirto dekadda Bossaaso.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo ay Soomaaliya la safatay dalka Sacuudiga oo xurguf diblomaasiyadeed ay soo kala dhex gashay iyaga iyo Canada.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyey soo celinta xoolahaas,waxaana uu sheegay in ay baaris ku hayaan sababtii ay u soo celiyeen

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree