Friday, 10 August 2018 15:20

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya Oo Ay Weheliyeen Wasiiro Iyo Saraakiil Oo Maanta Loo Duuliyey Magaalada Adis Ababa

10/08/2018(BNN) Wararka aan ka heleyno Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shacabka dimuqraadiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,Wasiiro iyo Saraakiil loo qaaday Adis Ababa.

Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF ayaa BoramaNews u xaqiijiyey Warkaan,waxaana uu sheegay in lagu amray in si deg deg ah ku tagaan Adis Abaab sidaasina ay ugu bax baxeen.

Gudoomiyaha Baarlaamnka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa wehlinaya 20 Wasiir iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Liyuu Boolis,kuwaas oo diyaarad gaar ah ka qaaady Magalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Horey ayaa Ciidamada Federaalka Itoobiya waxa ay jigjiga ka kaxeeyeen Madaxweynihii xilka ka degay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar kaas oo la soo sheegayo in uu Xabsi guri ku yahay Magalada Adis Ababa.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree