Monday, 17 July 2017 12:52

Bangiga Somaliland Oo Ka Digay Balaayiin Shilin Somaliland Ah Oo Lasoo Daabacay Looguna Talo Galay Ololaha Doorashada Musharaxa Muuse Biixi Ee Somaliland

17/7/2017 (BNN) Warar naga soo gaadhaya Bangiga dhexe ee Somaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Bangigu habyaraatee wax lacagta adag ee Dolarka kusoo xeroonin bishani ugu dambaysay,Waxaana agaasime waaxeed ka hawlgala Bangigu Boramanews.com usheegay in lacagtii adkayd ee kusoo xeroon jirtay bangiga ay si wayn u diciiftay wuxuuna yidhi.

lacagm

Lacagta adag waxay naga soo gali jirtay cashuurta marsada Berbera waxaana taasi la wareegay Dp World oo ku shubta bangi u gaara,Lacagtii dhoofka xoolaha kasoo xeroon jrtayna sideedaba way istaagtay kadib makii xooluhu joogsadeen dhoofkoogii.

Agaasimahani ayaa sheegay in safarkii Madaxwayne Siilaanyo wadanka kaga maqnaa ay faaruqisay khasnadii dawlada,wuxuuna sheegay in wasiiro iyo qoyska madaxtooyadu lacagtii adkayd ee dolarka dhamaanba cantoobsadeen,isla markaana waxba looga tagin bangiga.

Waxaa uu masuulkani sheegay in sicir bararku kasii dari doono marnabana xal loo heli doonin isagoo ku sababeeyay lacago daabaca oo dalka lagu soo daabulay,Wuxuu sheegay in balaayiin shilinka Somaliland ah ay soo daabacatay xukuumadu taasi oo meesha ka saartay suuqii oo lacagta adagi ku yarayd horayna u diciifisay Itoobiya oo diiday in qaadka lagaga iibsado lacagteeda ayaa iyadna maalinwalba Halmilyan oo dolar ka urursata suuqyada Somaliland,masuulkani ayaa sheegay inuu ka rajo dhigay in dhaqaalaha iyo sicir bararku ka soo hagaago sidan maanta ,wuxuuna sheegay in Dp World iyo qaadka Itoobiya mijoxaabiyeen lacagtii iyo sarifkii nolosha shacabku ku tiirsanaa.

Masuulkani ayaa ka digay Balaayiin shilin Somaliland ah oo uu sheegay in bisha 8daad dhamaadkeeda soo gaadhi doonaan Somaliland,lacagtaasi ayuu sheegay in loogu talo galay in Muuse Biixi ku galo doorashada oo Xisbiga Kulmiye kaga hawlgalo ololayaasha Doorashada ayuu yidhi masuulkani.

Imikaan sankaraad nahay oo go,aankasta oo laga soo saaray sicir bararku fashilmay,maxay kula tahay marka looga sii daro oo Balaayiin lacag la soo daabacday nasoo gaadhaan oo suuqyada lagu sii daayo,waxaa hubaala in dukaanada la xidhi doono shacabkuna kici doonaan bal aynu sugno maalmaha soo socda ayuu masuulkaasi kusoo afmeeray hadalkiisa.

Cabdiraxman X.Xasan (Suul)

Boramanews/Hargeysa

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree