LOGO3ABDUU

Monday, 17 July 2017 14:47

DAAWO:Sirdoonka Maraykanka Oo Khashifay In Emarat Carabtu Jabsadeen Warbaahinta Qaranka Qadar Si War U Galiyaan Rabshadaha Maanta Socdana Ka Dhasheen

17/7/2017 (BNN) Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakisha ayaa qoray in 24-kii bishii May la qabsaday wakaaladda wararka Qatar, kadibna lagu daabacay hadallo loo tiriyey amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani, oo uu ku ammaanayo Iran iyo ururka Xamas, kuwaasi oo qiil looga dhigtay in xidhiidhka loo jaro Qatar.
Warbixinno ay soo ururiyeen sirdoonka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in madaxda Imaaraadka ay 23-kii May ka doodeen arrintan, si qiil loogu raadiyo in xiriirka loo jaro dalka Qatar.
Imaaraadka haba yaraatee wax lug ah kuma lahan afduubkan Internet ee la sheegay, balse waxaan shaki ku jirin in Qatar ay maal-geliso argagixisada” ayuu yiri.
Si kastaba, warbixintu waxay sheegtay in weli aysan kala caddeyn in Imaaraadka ay si toos ah ugu dhaqaaqeen afduubkan internet, ama ay adeegsadeen shirkado u fuliyo, hase yeeshee ay caddahay in qorshahan ay ayaga lahaayeen.
Safiirka Imaaraadka Carabta ee Washington DC, Yousef al-Otaiba, ayaa si kulul u beeniyey in dalkiisa uu ka dambeeyey arrintan.
 
Xafiiska Wararka BNN
Boramanews.com

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree