Qalinka markaan saaro ama an isku dayo inan naqdiyo mowduucyo iskaga soo daba dhacayey jara’idada maxaliga ah kuna saabsanaa qoraal uu dhigay Mudane C/rashiid Xasan Mataan kuna cabiriyey sida ay wax yihiin iyo xaqiiqda dhabta ah ee jira ama wacyiga uu ku sugan yahay Proffeser Axmed Ismaciil samatar.
Xilliga badhaadhaha dad oo dhami waa wada madax, waana wada siyaasi waana wada hoggaamiye. Balse xilliga adag, dadka in kooban ayuunbaa ka soo dhex baxda oo talada qabata.
Qofka kasta oo xil madaxtinimo loo magacaabaa hawl uu qaban karaa hadduu qof iska caadi ah yahay, waayo waxa caawinaya kaabayaal badan oo mansabku wato oo ay ka midyihiin dad la shaqeynaya, dad kale oo kaaliyayaal u ah, gaadiid, lacag, xafiisyo, heybad albaab kasta uu ku geli karo iyo sharci iyo qaanuun u hiilinaya oo cidii amarka ka soo horjeesta u qabanaya.
Balse marka aaney jirin intaas oo kaabayaal ihi, dad waxa ka soo baxa, ruuxa u dhashey hoggaamiyanimada iyo raganimada. Marxuum Axmed Weyne wuxu ahaa nin xilliga ay adagtahay la isku halleyn karo. Hoggaamiyaha dhabta ihi waa ka isaga oo aan heysan lacag, awood iyo kabayaal kale, hadana hoggaamiya umadiisa.
Xilliyadii 1991 iyo sanadihii ka danbeeyey ee waddanku fowdada ahaa, waxa an aad u aqaaney oo an nasiib u lahaa inan jaar noqono Marxuum Axmed Ibrahim Daahir (Axmed Weyne). Xilligaa wax xil ah oo siyaasadeed muu heynin, balse haddana waxa uu hayey xil ka weyn ka siyaasigu hayo, gaar ahaan magaalada Hargeisa.
Mudadaa an sheegay wuxu marxuumku goor walba mashquul ku ahaa xalinta arrin ama mushkilad, ha noqoto dad is diley, qaar dulmi tirsanaya, dad arrin dhex marey IWM. Odeytinimadiisa ka sakow, wuxu ahaa qofka loola tago arrinka adkaada ee gaar ahaan ku xidhma dadka adag ama qalafsan ee cid kale mari weydo. Wuxu ahaa qof xilka uu bulshada u hayo raganimadeeda leh, ku dhacna leh oo meel mariya waxa uu arko xaqqa. Waxa an dhowr goor u joogey isaga oo gar ku ridaya dad ay isxigaan oo u heelinaya qof kale oo ay heyb ahaan kala fog yihiin balse uu u arkayey inu dulman yahay. Wuxuuna ahaa shakhsi isku kalsoon, maskaxdana xor ka ah oo sida uu saxa u arko talada uugu dhaqaaqa.
Waxa jira dad marka ay siyaasadda galaan dadka caddaan iyo madow u kala saara oo wixii ay kala fikir yihiin u arka cadaw ama shisheeye wixii ay isku fikir yihiinna hoosta soo gashada. Marxuum Axmed wuxuu ahaa nin aad uuga korey kala qeybinta mujtamaca oo la fadhiista, saaxiibtinimana la wadaaga dad ay siyaasadda ku kala duwanyihiin. Marxuumku muu aheyn nin ku dheereeya hadalada jaafaajirqa ah ee warbaahinta la iskaga tuuro ama la isku aflagaadeeyo marka wax la isku khilaafo.
Ilaahow u naxariiso, inagana inooga daba naxariiso
Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
XORRIYADDA FIKIRKA IYO RA’YIGA
AHMED ADAN CALI ( HAYBE}
Akhlaaq bur-burka iyo dabar la’aanta hadalku waxay hoos u dhigaan maqaamka qofku ku leeyahay bulshada, iyada oo la raac-raaco dhaqanka iyo qiyamka reer galbeedkuna waxba kama tarayo xaaladda siyaasadeed iyo ta dhaqaale.,halka ugu sarraysa ee saqaafadda ama dhaqanka islaamku leeyahayna waa qabsashada qiyamka iyo hanaan akhlaaqeedka wanagsan ee uu jeexay.
Xoriyadda hadalka waa in qofku aragtidiisa ka dhiiban karo, siyaasadda iyo guud ahaan arimaha bulshada, iyo inuu si xor ah ula doodi karo qof kale. Iyo inuu muwadinku xor u yahay inuu qoro aragtidiisa isaga oo aan ka baqeyn in lagu ciqaabo. Laakiin waxaa jira xad, qofku xor uma aha inuu ku hadlo ama qoro wax kasta oo maskaxadiisa ku soo dhaca.
Sidaa daraadeed waxaa jira sharciyo xadidaya , Tusaale ahaan sharcigu ma ogola in hadal cunsuriyad ama nacayb kooxeed loo soo bandhigo bulshada dhexdooda oo laga doodo, ama war aan jirin laga sheego muwaadin ama masuul shakhsiyadiisa (BUHTAN} kaasi oo lagu duudsiyo xuquuqdiisa qofnimo, laguna sharaf dilo, dhibaatona ka dhalato.
Somalildu waxay tidhi “Haddan af xumaan gacani ma xumaato”.
Qof walba xaq ayuu u leeyahay inuu dhiibto fikradiisa iyo sida wax ula muuqdaan, inuu naqdiyo ama khilaafo fikrad uu qabo qof kale, ama urur kale haday tahay madaxada dalka u sareeyaba , haddii aanay ku fadhiyin diinta.
Islaamku isagoo taas dhiirrinaya wuxu ku sheegay dhaliisha loo soo jeediyo madaxweynaha ama suldaanka inay tahay ta ugu fadli badan jihad. Nebigu sidaas waxa uu yidhi mar la weydiiyay jihaadkee ayaa ugu fadli badan Nebigu (scw} ku jawaabay (kelmad xaqa oo laga hor yidhi suldaan xad gudub badan.( keligii taliye aan cidna dhegaysan].
Quraanka kariimka ahina waxaabu umada Nebi Muxamad (SCW}ku amaanay inay yihiin dad wax isu sheega oo aan ka waaban inay waxa wanaagsan isu sheegaan waxa qaldana isaga digaan, (Waxaad Tihiin Ummad La Soo Saaray Ta Ugu Kheyrka Badan , Waxaad Is Fartaan Wanaagga Waxaanad Isu Diidaan Xumaanta). AllaCimran
Sidaas ayay xaaladdu ahayd xilliyadii wanaagsanaa ee islaamku soo maray gaar ahaan xiligii afarta khulafa’u-raashidiinka iyo waqtiyo kale oo ka dambeeyayba.
Waxa uu muwaadinku xaq u leeyahay inuu tibaaxo argtidiisa siyaasadeed, kana qeyb qaato hawlaha siyaasadeed ee waddanka ka jira, waxa uu ka mid noqon karaa urur siyaasadeed amaba ururada kale ee bulshada inta lagu jiro xayndaabka islaamka.
Dhinaca siyaasadda oo keliya maahee waxa kale oo islaamku ilaaliyay xaqa uu qofku u leeyahay in uu guud ahaanba maskaxdiisa kaga shaqaysiiyo isagoo soo bandhigi kara wax kasta oo aqoon iyo horumar u keeni kara gebi ahaanba bulshada, sidaas awgeed waxaad arkaysaa quraanka kariimka ah oo inagu dhiirrinaya had iyo jeer in aynu adeegsano caqliga si garashadeena iyo wacyigeenu u koro, sidaas daraadeed islaamku kama soo hor jeedo wax allaale wixii aqoon ah ee ay soo kordhiyaan aqoon yahanku, hadday tahay xaga sayniska, tiknoolajiyada, cilmiga caafimaadka, cilmiga astaroonamiga iyo hawada sare.
Dhinaca reer galbeedka iyo waayaha qaarkood sida ay u arkayeen soo korodhka aqoonta iyo afkaaraha aqoon yahanka waxay kugu noqonaysaa layaab, iyo inay kugu adkaato inaad aqbasho.
Xorriyadda hadlka ee aynu rabnaa waa mid ku fadhida islaamka
Waxa inagu filan Xikmaddahan Khaliifkii 1aad Abuubarka Asidiiq RC
“Kheyr ma laha hadal aan ilaahay dartii loo odhani, kheyr ma laha xoolo aan lagu bixin jidka ilaahay, kheyr ma laha ka ay aqoon yaraantiisu ka xoog badato dulqaadkiisa, kheyr ma laha ka canaanta dadka uga baqa ku dhawaaqidda xaqa”.
Masuulyiintii gobolada qoraaladii uu dirayn waxa ka mid ahaa “Wanaagana is fara xumaantana iska reeba , ogaada qofka muslinka ahi ma dulleeyo naftiisa. Anigu waxaan la jiraa qofka taagta daran ilaa iyo inta uu yahay mid dulman”.
“Xaqa hawga tegina canaan ka baqasho, ilaahybaa idinkaga filan ciddii dhibaato idinla damacda.” “Dadka hadal wanaagsan ku dheha”
Qoraal iyo odhaah kastaa waa inay noqotaa mid waxtar leh oo xikmad iyo macno weyn xambaarsan waxna soo kordhin karta.
Qalinkii:AHMED ADAN CALI ( HAYBE}
Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Inaa LIlahi wa inaa ilayhi raajicuun. Anagoo ah dadka hoos ku qoran, waxaan halkani tacsi ugu diraynaynaa dhamaan qoyska reer Colhaye oo maalintii khamiistii ay ka baxday Marxuumada Khadra Xaaji Colhaye ( Xaajiyo) oo ku geeriyooto magaalada Ottawa. Waxaan leenahay Allaha janadii ka waraabiyo inaga samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo. Aaamiin.
1. Abdikarim Cige Guuleed iyo Xaaskiisa Casha Dahir Cilmi
2. Xasan Aw Aden Abdi iyo Xaaskiisa Foosiya Xasan Iimaan
3. Yacquub Aw Aden Abdi iyo Xaaskiisa Sahra Cige Guuleed
3. Samatar Xasan Aw Aden iyo Xaaskiisa Ahlam Abdikarim Cige
4. Nimco Abdikarim Cige iyo Odaygeeda Cali Xasan Cali
5. idil Xasan Aw Aden iyo Odaygeeda Maxamed Maxamuud Maax
6. Guuleed Abdikarim Cige
7. Saxardiid Xasan Aw Aden iyo Xaaskiisa Hibaaq Ahmed Maxamud
8. Bilan Abdikarim Cige
9. Yasmine Abdikarim Cige
10. Ahmed Xasan Aw Aden
11. Aden Xasan Aw Aden
12. Mohamed Abdikarim Cige
13. Hana Abdikarim Cige
14. Mohamed Xasan Aw Aden
15. Abdiwahab Xasan Aw Aden
INAANILLAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJUCUUN ANIGA OO KU HADLAYA MAGACA DHAMAAN QOYSKA REER A/RAHMAN JIBRIL ELMI IYO WAXAY SII DHALEENBA MEEL KASTA OO AY ADUUNKA KA JOOGAAN WAXAN TACSI U DIREYNAA DHAMAAN QOYSKII REER CALI CISMAAN CAYNAN GEERIDII KU TIMID AABO CALI CISMAAN CAYNAAN (Cali France) OO MAANTA KU GEERIYODAY MAGALADA BOORAMA WAXAAN MARXUUMKA ILLAHAY S.W. UGA BARYAYNAA INUU GEEYO GURI KHAYR LEH IYO JANATUL FIRDAWSAL ACLAA INSHA ALLAH DHAMAAN QOYSKI IYO QARAABADII UU KA BAXAYNA UU ILLAAHAY SAMIR KU IRSAAQO AMEEN AMEEEN AMEEN
TACSI
SAXARDIID XASAN:inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajucuun waxan halkan tacsi tiiran yahe leg uga dirayaa dhamaan qays iyo qaraabadii uu ka baxay aabo cali cismaan caynaan dhamaan waxa leeyahay samir iyo imaan allaha idinka siiyo aamin aamin aamin
Page 1 of 5
|
Monday, 10 June 2013 16:26 |
|
Thursday, 06 June 2013 15:45 |
|
Friday, 14 June 2013 12:43 |
|
Friday, 07 June 2013 03:36 |
|
Friday, 07 June 2013 15:22 |
|
Monday, 03 June 2013 09:25 |
|
Wednesday, 05 June 2013 08:15 |
|
Wednesday, 12 June 2013 11:29 |
|
Friday, 07 June 2013 14:41 |
|
Monday, 17 June 2013 16:53 |