Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrsataa abide By Abdi Mustafe

SiilaanyoSilaanyo haduu caafimaad qabo oo wadanka xaal kiisa la socdo tacsi buu u diri lahaa saraakhiishii qori lugud lugu dilay.

 

Fadeexadii Ka Dhacday Meherkii Madaxtooyada, Ceebtii Madaxdhaqmeedka, Maryo Dhigashadii Suldaan Xiirey, Is-maqiiqi Buurmadow Iyo Amakaagii Kaqaybgalayaasha .(SAWIRO)

axmed-iyo-inantiisaWalow sidii loogu talo galay iyo ujeedadii laga lahaa intuba ay fuleen, ayaa hadana waxa ay ka tagtay hadalo boog iyo xajiin ku ah qaar badan oo kamid ah beelaha Somaliland, waxaa kaloo taariikhda galay oo lagu xasuusan doonaa guulwadaynta Imaanka la'a iyo Cimaamadaha layska wada qaatay fashilka iyo fadeexadaha mahadhada ah ee laga dhaxlo.

Madashu waxay ahayd mid siweyn loo soo qaban qaabiyey, qarash xad dhaaf ahna la geliyey waxaana inta badan madaxdii ka qayb gashay ka sinaayeen Hu'ga ama dharka soomaalidu u gaar yeesho dhinaca dhaqanka oo ah Macawista iyo Go'a Shaalka ah.

kolka aan ka imaado tiro badnaantii dadkii ka qaybgalay iyo magcaabista mansabyadooda kala du-duwan, aan daaha ka faydo halka ay u dhimatay anigoo jaleecaya waxyaabihii cidkasta oo madasha joogtay madax iyo shiciba ku noqday af kala qaad iyo dhabano-hays.

55 kor ayey u dhaafeen tirada Salaadiinta ka qaybgashay munaasibadaasi kolka laga reebo Cuqaasha iyo xil dhaqameedada kale, 35 sulaadiin iyo Boqoro isugu jira ayaa ka hadlay halka 20 kii kale laga cudur-daartay wakhtiga awgii inay hadlaan.

Ninkasta oo Sitay Duub Suldaan iyo Shaal Boqor oo halkaasi ka hadlayba waxa uu ahaa mid bidix u weydaarta wixii meesha loo tegay, midkastaana hadalkiisu waxa uu ku eekaa dhinac bidix ama Gabadha madaxweynuhu dhalay meeshana ma ay jirin habayaraatee cid kusoo qaaday Wiilka magaciisa haduu yahay mid madasha ka geeraaray ama mid gabyey amaba mikrifoonku gaadhay.

Cidkastaba marka laga yimaado waxaa madashaa wadhi iyo waxaan loo fadhiyin kaga khudbadeeyey ayaa waxaa cidina xamili kariweyday, ama yaxyax iyo yaab dartii hoos ula jeesatay hadal kasoo yeedhay nin kamid ah Salaadiinta Aakhir-Sabaan ee iskood isugu Cimaamaday oo lagu magcaabo Suldaan Xiiray, hadalkaasi oo noqday midkii ugu foosha xumaa ee abid madal noocan oo kale ah qof ka jeediyo, waxaana Xiiray hadalkiisaasi ahaa mid mid anshaxa dhaqanka, dadnimada, xaqiiqada iyo Caqliyada intaba ka fog una muuqda maryo dhigasho iyo Iimaan la'aan qaawan, waxaana hadal XIIRAY kasoo yeedhay ahaa sidan:- "Munaasibada boqolaalka madaxda ah iyo taajiriintii dalka kulmisay waan salaamayaa anigu Caawa dareenkaygu aad ayuu u kacsan yahay, oo farxad iyo naxdin labaduba way igu dhan yihiin, waa marka koowaad'e meherka waan ku faraxsanahay, markalena waa ka naxay, gabadha ina Madaxweyne Siilaanyo ee caawa halkan lagu bixinayo hadaanu nahay beesha habaryoonis anaga ayaa rabnay inanta madaxweynuhu dhalay inaanu guursano maadaama Beesha Habaryoonis ay iminka Siyaasad ahaan Cumuq-Cumuq leeyihiin waxaanu kaloo rabnay in hadii gabadha aanu guursan lahayn aanu Madaxweynaha u kordhino shan sano ama shan sano dib usoo doorano, markaa madaxweyne waxaanu ku leenahay hadaanu nahay habaryoonis waxaanu Sugaynaa Gabadha Dambe ee adiga iyo Marwo Aamina Weris aad dhali doontaan taas ayaanu guursan doonaa, waana u mahadcelinayaa Madaxweynaha iyo Marwadiisa oo ina horumariyey",!!!!. 

Cidkasta oo hadalkaas dhegaysanayey waxay noqdeen qaar qosol la daadata, kuwo madaxu kaco, qaar iskaba dareeray oo kadinka boobay iyo kuwo dhabanka gacanta saaray, dadkuna waxay la wada anfariireen ayaan darada umada ku dhacday ee sababtay in nin aad cidina madaxdhaqameed u dooran oo aan xataa aqoon iska daayoo shakhsi ahaan dhaqan lahayn inuu ku hadlo afbeeleed, sidoo kalena waxa dadka kawada qosliyey caqli xumada XIIRAY ka yeedhsiisay inuu Madaxweynaha iyo marwadiisa oo labaduba Aakhiral-Cimri taagan weydiisto Gabadh ay dhalidoonaan oo aan ifkaba joogin taaso, waxaana hadalka xiiray muujiyey heerka  ay marayso ayaandarada guulwadayntu oo gaadhay in xataa waxaan caqliga geli karin lagu hadlo iyadoo lagu raaligelinayo qof bani-aadam ah.

Dhinaca kale waxaa isagana wadhi ka raacday madashaa Boqor Buurmadow kadib markii meherkii inanta madaxweynuhu ka dhigay Boqol Doller, halkaaso intuu Buurmadow Mikrifoonka halabsaday uu odayaashii ka socday dhinaca Wiilka ku gefay waxaanu yidhi "Hadaanu nahay beesha Gabadhu kasoo jeedo ma ogolin mana yeelayno waxa la sheeg sheegayo ee lagu meherinayo waa maxay Boqol doller, Madaxweynuhu xor uma aha inuu boqol ku meheriyo gabadha waayo beel bay ka dhalatay beel ahaana ma ogolaanayno, tan labaad waxan sooryada lagu sheegayo ee aad waraaqaha kusoo duub-duubteen, dadweynaha iyo anagaba hanaloo sheego maxaa loo qarinayaa, sidoo kale waxa buurmadow intaa ku daray oo iyagana weeraray wasiirada xukuumada oo uu ku eedeeyey inay shaqadoodu ku haystaan".!!!!. 

Hadaladaas iyo qaar kale oo ka foolxun ayaa shaydaan ka yeedhsiiyey Buurmadow dadweynihii madashaasi dhoobnaana mid waliba kii kuxigay ayaa xanshashaqa hoos ugula jeestay, dadkii layaabanaa Xayodayskii XIIRAY ayaa taasina u sii raacday, munaasibada jawigeeduna marba marka kasii dambaysa humaageedu waxa uu ahaa mid cidkasta oo joogtayba isku canaanato maxaad meesha kasoo doontay.

Buurmadow kolkuu hadalka ka baxay ayaa waxaa si'adag ugu jawaabay Wasiirka warfaafinta Cakuse oo ka dareen qaatay sida beesha wiilka iyo dadkaleba uga xumaadeen wadhac-wadhacda dhaqanka baalmarsan iyo ismaqiiqa indho la'aanta ah ee Buurmadow waxaana Cakuse si aan gabasho lahayn jawaabtii ku haboonayd u siiyey Buurta waxaanu yidhi:- "Raali ka ahaada dhamaantiin hadalka Buurmadow, waxaana sheegayaa in hadalkaasi yahay mid sharciga Islaamka baalmarsan Axmed Siilaanyo Madaxweyne ha ahaado waa abaha inanta dhalay mana maqna oo waa xaadir xaqna isaga ayaa diiniyan u leh bixinta inanta dee malaha boqorka waxaa iskaga khaldan beelnimadii iyo Caruurihii dadku dhalay, tan kale waxaan Buurmadow u sheegayaa tan uu leeyahay siyaasadii iyo dhaqankii bay wasiiradu faraha kula jiraan iyo madaxtooyadii bay naga hortaagan yihiin waxaan leeyahay Buurmadow labadeenuba Madaxtooyada maalinwalba ilaa Subax ilaa Galab waynu wada joognaa waxaynu ka qabanoba ee haysku darin madaxdhaqameedka aad leedahay madaxtooyada ma nimaadno.

sikastaba ha ahaatee Xiiray isagu ma helin cid tol unoqota oo bulshadii madasha ka raaligeliya hadaladii marin habowga ahaa ee ka aradnaa, dhaqanka, anshaxa iyo asluubta intaba, waxaana meherkaasi noqday mid lagu xasuusan doono, Darajaynta iyo guulwadaynta aadmigu halka ay qofka ku rido iyo weliba dhego awdnaanta Iimaan la'aanta.

C/risaaq Yusuf Cali "Terra".

Email: Terra-10@hotmail.com

Tell:     00252634211904

axmed-iyo-inantiisa

Siilaanyo_xafladii_1

 

Magaadlayntu Waa Eber: Maanso Ka Hadlaysa Qaybin La Rabo In Lagu Sameeyo Ummadda Somaliland. By Saeed Mohamoud Gahair

MAANSOSomaliland ma haystaan reer keli ah. Waxa madax ka ah koox ka soo jeedda Laascaanood illaa Lawyacaddo. Codka kama uu helin Madaxweyne Siilaanyo meel qudha, waxa si siman looga doortay dhammaan gobollada waddanka. Ku darso, weliba markaasi waxa uu helay 50% codadkii ummadda. Kollayba qof ahaan kama mid ahayn inta u codaysay.  Ma filayo in hoggaamiye dambe uu intaas heli doono keligii. Waxa aan mar walba la yaabaa kuwa dhaleecada qaawan u jeedinaya beel gaar ah!
 
 

Silaanyo shicibka ha u cadeeyo in uu caafimaad qabo oon Amina Weris dalka xukumin by Abdi Mustafe

SiilaanyoShirkii uugu danbeeyay caawa ee ka dhaca madaxtooyada waxa gudoominaysay Amina Weris oo la hadleysay Wasiir Warancade iyo Wasiir Xirsi  iyadoo ku tilmaantay inay karti darida dowlada tahay waxa gobolada iyo xisbiyada mucaaradku u qaadaceen diiwaan gelinta madaniga ah ee ay doonayso in ay doorashada dub uugu dhigto. Canaan weyn ka dib waxay tidhi ku tishi xisbiyada mucaaradka ah gir-gir adag qaniin siiya. Subxaan .... Amina Weris wey suurooneysaa oo waxay salba bakh ka qaaday doorashada soo socota oo ay yiqiin santay in mucaaradku ka taageero badanyay oo lagaga guuleysanyo Kursiga.

 

Xasuus-qor: Sooyaalka Marxuum Maxamuud Gaheyr Warfaa (Kabadheere) 1aad.

Maqaal1Awowgiisa labaad waa Warfaa Dibad Maxamed-digirin. Waxa uu ka mid ahaa raggii ku xijaabtay colaaddii u dhexaysay Daraawiishta iyo beelaha Somaliland. Sida ay werisay taariikhda afka la isugu gudbiyaa, waxa uu ka dagaallamay in geeliisa la dhaco, isaga oo aan aamminsanayn in xabbadu wax disho “waa dhuuso (neef) biqbiq leh” ayuu yidhi!. Abtiyaalladii waxa ay ahaayeen beel-weynaha dega Gobollada Maroodijeex, Hawd, Togdheer iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya (Arab Sheekh Isaxaaq). Qoys magac iyo maamuus leh ayay hooyadii ka soo jeedday.
 
 

Page 1 of 63

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 30 October 2013 14:09
Friday, 10 January 2014 11:32
Wednesday, 18 September 2013 19:46
Friday, 27 June 2014 13:53
Tuesday, 17 June 2014 03:41
Monday, 31 March 2014 13:00
Thursday, 14 August 2014 18:57
Wednesday, 09 October 2013 18:59
Wednesday, 09 July 2014 15:51
Saturday, 08 March 2014 20:08