boramanews.com

In Ka Badan 100 Saraakiil Dowladeed Oo Lagu Dilay Dibedbaxyadii Iiraan

Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iiraan ayaa daabacday liis cusub oo ah shaqaalaha amniga ee lagu dilay rabshadaha socda

Sida laga soo xigtay Tasnim, wadarta guud ee shaqaalaha ayaa la dilay ilaa Janaayo 11-kii

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay ku jireen boolis, shaqaale ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo ciidankeeda gaarka ah ee Basij

Wakaaladda wararka ayaa rabshadaha ku tilmaantay inay yihiin kuwo ay sameeyeen “argagixiso hubaysan” iyo kooxo ay taageerto shisheeyaha, waxayna ku eedeysay Mareykanka, Israa’iil iyo ururada mucaaradka inay isku dayayaan inay khalkhal galiyaan Iiraan.

Garsoorka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in kuwa ku lugta leh rabshadaha lagu maxkamadeyn doono ‘moharebeh’, ama ‘cadowgaa Ilaah, oo lagu ciqaabi doono dil

Related posts

Midowga Yurub oo ansixiyay $88 Milyan oo lagu taageerayo Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Cabdi Casiis

Rasaas laga soo sheegayo meel u dhow madaxtooyada Venezuela

Cabdi Casiis

Shirka Dowladda Iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhacaya Villa Somalia

Cabdi Casiis