Madaxwayne Lafta Gareen Iyo Taliye Odaywaa Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage

Madaxweynaha ayaa Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka Al-Shabaab ka dhagaystay Taliyaha waxaana uu tilmaamay Generaal Odowaa in Alshabaab khasaaro iyo jab xoogan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koofur Galbeed Ciidanka Xoogana ay wadaan sidii guud ahaan Dalka looga saari lahaa Alshabaab Dhowaana ay bilaabi doonan Furida wadooyinka iyo Xureynta Goobaha ay kaga harsanyihiin Al-Shabaab Deeganada Koofur Galbeed .

Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Taliyaha uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid waxaana uu bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xooga Dalka ee Al-Shabaab looga saarayo Guud ahaan Dalka waxaana uu Xusay Madaxweynaha in maamulka uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa Goobaha ay kaga harsanyihiin Deeganada Koofur Galbeed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Isku Maandhaafsan Sidii Ay U Kala Horaysiin Lahaayeen Ansixinnta Xeerarka Horyaala

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Wasiir Cabdilaahi Dheer Oo Ka Ka Hadlay Khilaaf Ka Dhashay Magacaabista Suldaanka Beesha Uu Ka Soo Jeedo

Bnnstaff Bnnstaff

Midawga Yurub Oo Qaadacay Sharcinimada Madaxwaynaha Dalka Belarusiya Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More