boramanews.com

Mareykanka Oo Shuruudo Kale Ka Baxsan Nukliyeerka Iran Soo Bandhigay

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Washington ay diyaar u tahay wadahadallo ay la yeelato Iran, laakiin si loo gaaro natiijo micno leh, wadahadalladaasi waa in laga hadlaa arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka gantaallada ee Iran iyo sida ay u dhaqanto dadka mudaaharaadaya, marka lagu daro barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.

Sida uu u sheegay BBC Persian, markii su’aal laga weydiiyay warbaahinta mowqifka Mareykanka ee ku saabsan wadahadallada ay la gashay Iran, Rubio ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in si wadahadalladu u keeni lahaayeen natiijo dhab ah, ay muhiim tahay in laga hadlo arrimo gaar ah, sida heerka ay gaaraan gantaallada balastikada ee Iran, taageerada ay siiso ururada argagixisada ee gobolka iyo sida ay ula dhaqanto dadka dalkooda, marka lagu daro barnaamijkooda nukliyeerka.”

Rubio wuxuu intaa ku daray inuusan filayn natiijo weyn oo muhiim ah inay ka soo baxdo wadahadallada Iran. “Ma hubo in aan la gaari karno heshiis iyaga la, laakiin waan isku dayi doonaa si aan u ogaanno,” ayuu yiri.

Related posts

Maraykanka oo muwaadiniintiisa Bayruut ugu baaqay in ay ka baxaan ama goob ammaan ah tagaan

Cabdi Casiis

Jabuuti Waxay Danteeda U Aragtaa In Aan Somaliland La Aqoonsan” Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland

Cabdi Casiis

Markab kuwa ciidamada badda Iiran oo ku deggey agagaarka xeebaha Sri Lanka

Cabdi Casiis