Mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Iiraan ayaa lagu wadaa inay Khamiista maanta ah ku kulmaan magaalada Geneva, si ay u yeeshaan wareeg saddexaad oo wadahadallo dadban ah, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu weerari doono Iiraan haddii aan la gaarin heshiis nukliyeer ah.
Wadahadallladan ayaa imanaya xilli dhawaan tiro badano o milatariga Mareykanka la geeyay Bariga Dhexe, tan iyo markii Mareykanku uu duullaan ku qaaday Ciraaq sannadkii 2003-dii.
Iraan ayaa dhankeeda wacad ku martay inay si awood leh uga jawaabi doonto weerar kasta oo lagu soo qaado.
Wadahadallada waxaa loo arkaa dadaal kama dambays ah oo lagu joojinayo khilaafka labada dhinac, laakiin fursadaha heshiisku weli ma cadda.
In kasta oo Trump uu sheegay inuu doorbidayo inuu arrinta ku xalliyo hannaan diblomaasiyadeed, haddana wuxuu sidoo kale sheegay, inuu ka fiirsanayo weerar ka dhan ah Iiraan, si uu hoggaamiyeyaasheeda ugu cadaadiyo inay aqbalaan heshiiska.
Iiraan ayaa diiday dalabka Mareykanka ee ah in la joojiyo kobcinta Yuraaniyamka ee dhulkeeda, laakiin waxaa jiray tilmaamo muujinaya inay diyaar u tahay inay bixiso qaar ka mid ah tanaasulaadka ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.
Al-Busaidi, oo dhexdhexaadinaya wadahadallo aan toos ahayn oo u dhexeeya Washington iyo Tehran, wuxuu yiri, “Waxaan ku faraxsanahay in aan xaqiijiyo in wadaxaajoodyada Mareykanka iyo Iran hadda loo qorsheeyay in lagu qabto Geneva Khamiista, iyadoo dadaallo wanaagsan lagu bixinayo si loo sii dhameystiro heshiiska.”
Sarkaal u dhashay Iraan ayaa sheegay in Iran ay “si dhab ah uga fiirsanayso in ay kala bar kaydkeeda Yuraniyamka ee sida aadka ah loo kobciyey u dirto dibadda, kala barka kalena ay khafiifiso, isla markaana ay samayso isbahaysi kobcin goboleed. Arintan ayaa ah fikrad soo noqnoqotay sannadihii ay socdeen dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira Iran, sida ay Reuters sheegtay.
Dhanka kale, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araqchi ayaa isna sheegay in heshiis lala gaaro Washington uu “suurtagal” yahay, isla markaana qaybo ka mid ah ay ka fiicnaan karaan heshiiskii hore ee 2015-kii la saxiixay. Wuxuu intaas ku daray in doodaha hadda socda ay ku egyihiin oo keliya arrinta nukliyeerka.
Araqchi wuxuu ku celiyay mowqifka Tehran ee ka horjeeda weerar kaga yimaado Mareykanka, wuxuuna ku qoray barta X, “Waxaan la yaabanahay sababta aan isu dhiibin? Sababtoo ah annagu waxaan nahay Iraniyiin.”
