boramanews.com

Wadan ku yaala Afrikada Bari oo ku soo labo kacleeyay xannuunka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Tanzania ayaa digniin soo saartay iyadoo sheegtay in tirada kiisaska hargab daran, xannuunka COVID-19 iyo xannuunka Dengue ee caanka ku ah qandhada ay kordheen, waxayna ku boorrisay muwaadiniinta inay qaadaan tallaabooyin ku habboon si ay isaga ilaaliyaan caabuqyadan.

Bayaanka oo uu soo saartay madaxa caafimaadka ee dowladda, Dr. Grace Magembe, ayaa ku salaysnaa la socodka isbeddelka cudurrada faafa.

“Cudurradan waxay ku faafaan dhibco ku dhaca habdhiska neefsashada ee bukaanka qaba cudurka, waxayna faafaan marka la qufacayo, la hindhisayo ama la hadlayo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in hargabka daran iyo COVID-19 ay ku faafaan taabashada meel wasakhaysan iyo duufka bukaannada, iyadoo raacisay in calaamadaha ay ka mid yihiin qandho daran, qufac, duuf ka socda sanka, madax-xanuun iyo qofka oo xanuun ka dareema jirka.

“Xogta la socodka xanuunada ayaa muujineysa in sanad walba inta u dhaxaysa Nofeembar iyo Abriil ay kordhaan hargabka iyo Covid-19,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale soo saartay digniin ku saabsan cudurka qandada wata ee Dengue Fever,kaas oo kordha xilliga roobabka.

Xannuunka Dengue waxaa faafisa kaneecada nooca Aedes, oo doorbidda inay dadka qaniinto xilliyada subaxdii, galabtii iyo fiidkii.

“Calaamadaha cudurkan waxay la mid yihiin xannuunka malaariyada ama duumada,” ayay tiri Wasaaraddu.

Muwaadiniinta dalkaas ayaa laga codsaday inay qaadaan tallaabooyin taxaddar leh si ay uga badbaadaan cudurradan.

Related posts

Cajiib! Madaxwayne African Ah Oo Nin Dhintay Xil U Magcaabay Iyo Saamayn Xoogan Oo Ka Dhalatay Arinkaasi

Cabdi Casiis

Mid ka mid ah wasiiradii ugu muddada dheera Xukuumadihi Kulmiye oo ku biirey Waddani kana hayaamay Kulmiye

Cabdi Casiis

Duulimaadyadii Ethiopian Airlines ay ku tagi jirtay gobolka Tegrey oo la baajiyay iyo faah-faahin ka soo baxaysa

Cabdi Casiis