boramanews.com

Diyaaradaha Maraykanka oo ka huleelay Spain kadib go’aan ka yimid dowladda

Dhowr diyaaradood oo Mareykan ah ayaa ka baxay saldhigyada milatari ee Rota iyo Morón ee koonfurta Spain, kaddib markii dowladda Isbaanishku ay u diidday Washington oggolaansho ay ku isticmaasho xarumaha si wadajir ah loo maamulo si loogu qaado tallaabo milatari oo ka dhan ah Iiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda José Manuel Albares ayaa sheegay in Isbayn aysan oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado “wax kasta oo aan waafaqsanayn Axdiga Qaramada Midoobay”.

Go’aankani wuxuu Spain ka hor keenayaa dhowr dal oo kale oo Yurub ah oo ay wada shaqeeyaan.

Inkastoo Xoghayaha Guud ee Nato Mark Rutte uu BBC News u sheegay in Yurub ay “si buuxda u taageersan tahay” tallaabada Mareykanka ee Iiraan, Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “tallaabo milatari oo hal dhinac ah” oo ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen Iiraan.

Related posts

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.” Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.” Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda. Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood: 1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay. 2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah. Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir. Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency. Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Cabdi Casiis

Netenyahu oo sheegay in ololaha Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan “wali uusan dhammaanin.”

Cabdi Casiis

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay meel u dhow Barcelona

Cabdi Casiis