Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).
Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.
Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.
Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.
