La taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay, in waddanku uu “guuleystay”, ka dib markii uu la kulmay weeraro joogto ah oo Iiraan ah tan iyo markii dagaalku bilaabmay.
“Waxaan ku guuleysanay difaac qaran oo heer sare ah kaas oo ilaaliyay madaxbannaanida iyo sharafta isla markaana ilaalinayay guulaha aan ka gaarnay gardarrada khiyaanada leh,” ayuu yiri Anwar Gargash.
“Maanta, waxaan u jiheysaneynaa sidii aan u maareyn lahayn gobol leh awood dheeraad ah, aragti cad, iyo awood aad u adag oo lagu saameyn karo laguna qaabeyn karo mustaqbalka.” ayuu yiri.
Wasaaradda difaaca ee dalka ayaa si joogto ah u soo gudbin jirtay wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan diyaaradaha Iiraan ee la qabtay tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Warbixin la soo dhigay talaadadii ayaa lagu sheegay in laga hor tagay 2221 diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo 26 gantaal oo nooca cruise-ka ah iyo 520 gantaal oo nooca ballistic-ga ah.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay xabad joojinta.
Wasaaradda arrimaha dibadda waxay ammaantay shaqada Pakistan – laakiin waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay “dadaallada la xoojinayo” si loo gaaro xabbad joojin joogto ah.
