boramanews.com

Akhriso Waxayaabaha Lagaga Wada Hadlay Kulankii Dhex Maray Madaxqadheedka Awdal Iyo Madaxwayne Ciro

Xogta kulankii caawa dhex maray madaxweynaha SLN iyo Madax dhaqameedka gobollada Awdal iyo Salal

Kulanka caawa ka qabsoomay madaxtooyada Somaliland ayaa ahaa mid aan waxba la iskula hadhin, iyada oo salaadiinta dhaqanka ee gobolada Awdal iyo Salal ay si adag ula gar-naqsadeen miiskana soo saareen xaalada iyo dareenka dhabta ah ee ka jira gobolada ay matalaan.

Suldaan Abdirahman Jama Dhawal, Suldaan Mohamed Suldaan Saleebaan, Suldaan Samatar Suldaan Ibraahim iyo xubnaha kale ee dhaqanka oo hadalka iska daba maray ayaa sheegay in dhulkooda lagu soo duulay, ilaa waqti horena uu duulaan ku socday. Waxa ay hoosta ka xarriiqeen in ay xaq u leeyihiin in dadkooda iyo dhulkooda difaacaan, ayna difaaca sii wadi doonaan ilaa inta uu duulaanku ku socdo.

Waxa kale oo ay miiska soo saareen, in gobolladan ay taalay tabasho 35 sanno ah oo dhagaha laga furaystay, taas oo maanta ay muuqato inaan lagu sii socon karin jidkii hore, dadkana aysan diyaar u ahayn in ay saluug sii qabaan, xalka kaliya ee lagu sii wada joogi karaana uu yahay in dastuurka la furo, xal waarana maanta la keeno.

Geestooda madaxweyne Cirro iyo xubnihii xukuumadda ka socday ayaa hadalka iska daba qaatay:

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa xaal Gole joog ah ka bixiyay gefkii iyo meel ka dhacii uu kula kacay madaxda dhaqanka gobollada Awdal iyo Salal.

Madaxweynaha SLN oo hadalka qaatay ayaa si cad u sheegay in uu furayo Dastuurka, isla markaana uu khudbad sannadeedka oo uu dhawaan jeedin doono ka iclaamin doono furista dastuurka, si xal waara loogu helo tabashada muddada badan ay qabeen shacabka gobollada galbeedku.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu qalinkiisa ku sixi doono xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay, uuna bixin doono waxa ay reer Awdal xaqqa u leeyihiin.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in uu bixin doono shaqaalayn iyo mashaariic manfac leh oo gobolladaasi ay helaan.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa ka socday madaxda dhaqanka in ay kala shaqeeyaan nabad gelyada iyo wada jirka dalka.

Kulankaas ayaa kusoo idlaaday jawi dagan, kaas oo laga warsugi doono sida ay u fulaan arrimaha laga wada hadlay.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Dalalka Carbeed Oo Si Wadajir u Tagaeeray Soomaaliya

Cabdi Casiis

Trump oo hadlay kadib diyaaraddii Iiraan ee ciidamadiisu soo rideen shalay

Cabdi Casiis

Biljimka Oo Ku Biiray Kiiska Ka Dhanka Ka Ah Isra’iil Ee ICJ

mustafeamiin@gmail.com