boramanews.com

Heshiiska u dhaxeeya Iiraan iyo Ruushka Muxuu Yahay Heshiiskaasi

Wargeyska Financial Times oo xiganaya ilo xog-ogaal ah iyo dukumentiyo Ruush ah oo la helay ayaa sheegay in uu jiro, heshiis u dhexeeya Iran iyo Ruushka oo Iran ku dalbaneyso helista qalabka difaac hawada ah ee Ruush ah oo qiimahoodu gaarayo ilaa $545 milyan bishii July sanadkii 2025-kii, maalmo kadib dhammaadka dagaalkii 12-ka maalmood socday.

Sida warbixintu sheegtay, heshiiska ayaa lagu saxiixay Moscow Disembar 2025-kii, wuxuuna dhigayaa in Tehran la siin doono galab gaaraya 500 iyo 2,500 gantaal muddo saddex sano ah.

Dhanka kale, Iiraan ayaa ku dhaw in ay Hub kuwa wax gumaada ah ka hesho China, sida ay tebinayso warbaahinta Reuters.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Maraykanku ciidamadiisii soo dhoobay Bariga Dhexe, gebi ahaanna laga baqaya dagaal culus oo dhex mara labada dhinac, haddii aanay heshiis ka gaadhin xiisadda muddooyinkii u danbeeyey sii kordhaysay ee u dhaxaysa Iran iyo Maraykankan.

Related posts

Kadib duqeymo ba’an oo maalmo ku socday dalkiisa hadda ayuu ku baaqay xabad-joojin

Cabdi Casiis

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Oo u Digay Dhigiisa Dalka Mareykanka

Cabdi Casiis

Laftagareen oo lagu furay dagaal, Itoobiya oo dhexda taagan, shakiga culus & Safarka A. Madoobe.

Cabdi Casiis