boramanews.com

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Oo u Digay Dhigiisa Dalka Mareykanka

Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa wada hadallo telefoon oo gaar gaar ah la yeeshay dhiggiisa Ruushka iyo Mareykanka.

Wada hadalladii uu la yeeshay Madaxweyne Trump, Xi Jinping wuxuu uga digay Mareykanka inuu si taxaddar leh u maareeyo hubka laga iibinayo Taiwan.

Laakiin waxa uu sidoo kale soo jeediyay in uu kordhiyo dhoofinta digirta Mareykanka, ka hor booqasho la qorsheeyay oo uu Trump ku tago Beijing.

Dhanka kale, wada hadalladii dhex maray Xi Jinping iyo Vladimir Putin, Kremlin-ka waxa uu sheegay in aragtidooda ku aaddan Maraykanku ay isku mid ahaayeen.

Iran ayaa looga hadlay labada wada hadal ee telefoonka, laakiin wax faahfaahin ah lagama bixin.

Related posts

Shiinaha Oo In Ka Badan 10 Xubnood Oo Hal Qoys Ahaa Dil Ku Fuliyay

Cabdi Casiis

Shirka Golaha Wasiirada Somaliya Oo Lagu Wado In Uu Ka Qabsoomo Magaalada Laascaanood

Cabdi Casiis

Qaar Ka Mid Ah Dalalka Carbeed Oo Si Wadajir u Tagaeeray Soomaaliya

Cabdi Casiis