boramanews.com

Mali Iyo Burkina Faso Ayaa Ka Mamnuucay In Dalalkooda Yimaadaan Muwaadiniinta Mareykanka.

Dalalka Mali iyo Burkina Faso ayaa sheegay in aysan dalalkooda soogali karin muwaadiniinta Mareykanka iyagoo taas uga jawaabaya tallaabada uu qaaday maamulka Trump.

Maamulka Trump ayaa labada dal ee ku yaal galbeedka Afrika dhawaan saaray xayiraad buuxda oo dhanka safarka ah.

Wasiirka arimaha dibadda Burkina Faso, Karamoko Jean-Marie Traoré, ayaa sheegay in dowladiisa ay qaadatay tallaabo la mid ah tan Mareykanka halka wasaarada arrimaha dibadda Mali ay ku baaqday “in si siman laysu ixtiraamo”.

Go’aanada Mali iyo Burkina Faso waxay soo baxeen maalmo kaddib markii wakaalada wararka ee Niger ay sheegtay in Niger ay xayiraad safarka ah saartay muwaadiniinta Mareykanka.

Saddexda dal waxaa maamulo militir xoog ku qabsaday xukunka oo riday dowladihii ka talinayay dalalkaas.

Horaantii bishan ayey Aqalka Cad Mareykanka sheegeen in xayiraad buuxda ay saareen dadka kas oo jeeda saddexdan dal iyo sidoo kale dalalka Sudan-ta-koonfureed, Syria iyo Falastiin.

Go’aanka Mareykanka ayaa dhaqangalaya maanta oo ah 1-da bisha Janaayo, waxaana la sheegay in ujeedkiisu yahay “ilaalina ammaanka” Mareykanka sida ay sheegeen.

Aqalka Cad waxay sheegeen in xayiraada aan la qaadeyn ilaa dalalka ay saameysay ay muujinayaan “horumar lagu kalsoonaan karo” oo ku saabsan sida loo maareeyo jinsiyadaha, xog-wadaaga iyo iskaashiga ay la leeyihiin qeybaha socdaalka Mareykanka.

Related posts

“Ismaaciil Cumar Geelow hadii shacabka khaatiyanka ah ee Jabuuti kugu dareero oo anagu” Xasan Shahar

Cabdi Casiis

Mid ka mid ah wasiiradii ugu muddada dheera Xukuumadihi Kulmiye oo ku biirey Waddani kana hayaamay Kulmiye

Cabdi Casiis

Suudaan ayaa ku eedeysay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka soo kacaya Itoobiya ay ku soo xadgudbeen dhulkeeda isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, iyadoo ku tilmaantay arrintaas “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo sidoo kale “fal gardarro ah.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii, 22-kii Febraayo 2018, ku sheegtay inay la socotay gelitaanka diyaarado kasoo kacay dhulka Itoobiya oo soo galay gudaha dalkeeda intii lagu jiray bisha Febraayo iyo maalmaha hore ee Janaayo. Waxay intaa ku dartay in diyaaradahaasi ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla Suudaan isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan meelaha la weeraray ama khasaaraha ka dhashay. Dowladda Suudaan ayaa ku tilmaantay xadgudubka drone-ka ee la sheegay inuu ka yimid dhinaca Itoobiya “fal masuuliyad darro ah oo aan la aqbali karin,” waxayna ka digtay in arrintani horseedi karto cawaaqib kale. Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan oo lagu baahiyay af-Carabi ayaa sidoo kale xusay in haddii falalkan ay sii socdaan, dalka uu xaq u leeyahay inuu difaaco madaxbannaanidiisa iyo midnimada dhulkiisa, isla markaana uu awood u leeyahay inuu kaga jawaabo “siyaabo kala duwan.”

Cabdi Casiis