boramanews.com

Sacuudiga oo mar kale si adag uga hadlay arrinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Sacuudiga ayaa ma kale ka hadashay sida ay uga soo horjeedo wax waliba oo lagu kala qeybinayo midnimada Soomalaiya.

Bayaan ay soo saartay dowladda sacuudiga o lagu daabacay wakaalada wararka ee sacuudiga ayaa lagu yiri” Golaha Wasiirradu waxa ay soo dhaweynayaan natiijooyinka ka soo baxay shirkii degdegga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee lagu qabtay magaalada Jeddah, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha Soomaaliya”.

Sacuudiga ayaa sidoo kale muujiyay mowqifka adag ee uu a taagan yahay waxa uu ku tilmaamay “abuuridda hay’ado ama maamullo is barbar socda”

“Waxa kale oo ay mar kale xaqiijiyeen mowqifka adag ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ka dhanka ah isku day kasta oo lagu abuurayo hay’ado ama maamullo is barbar socda oo wax u dhimaya midnimada Soomaaliya, wadajirka dhulkeeda, ama madax-bannaanideeda qaran” aya lagu yiri bayaanka Sacuudiga.

Related posts

Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadaladii Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Dalka Turkiga

Cabdi Casiis

Maraykanka oo muwaadiniintiisa Bayruut ugu baaqay in ay ka baxaan ama goob ammaan ah tagaan

Cabdi Casiis

Madaxweynaha Israa’iil oo yimid dal Soomaaliya daris la ah

Cabdi Casiis