Dowladda Mareykanka ayaa hore liiska argagaixisada caalamiga ugu dartay Injineer Ismaaciil iyo sarkaal kale kuwaasoo ka tirsan ururka Al Shabaab ee Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in liiska argagixisannimada caalamiga ah lagu daray Cabdullaahi Osman Maxamed oo loo yaqaano Injineer Ismaaciil iyo Macallin Eyman oo isna loo garan ogyahay Cabdicasiis Dhuubow.
Sida ay Mareyknaku sheegeen, Injineer Ismaaciil waa ninka ugu sarreeya ee Al-Shabaab u farsameeya waxyaabaha qarxa, waana madaxa garabka Al Kataa’ib. Waxay intaas ku sii dareen inuu la-taliye u yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-Shabaab, Axmed Diiriye.Dadka Soomaalida ah qaarkood way kasii sarreysiiyaan intaas oo waxayba ku tilmaamaan in uu ka mid yahay labada ku xigeen ee hoggaamiyaha Shabaab, sida uu qormadiisa ku sheegay New York Times.
Waxaa lagu bartilmaameedsanayay weerar guul darreystay oo la fuliyay bishii November ee 2020, kaasoo uu dhaawac markii dambe dhimasho noqday ka soo gaaray Michael Goodboe oo ka tirsanaa CIA-da, sida uu isla wargeyska Times kasoo xigtay sarkaal Soomaali ah oo howlgab ah iyo sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
