boramanews.com

Xubnihii jirkeeda ugu muhiimsanaa ayey ku weyday xanuun ay ka qaadday xayawaan Soomaalida kula nool xaafadaha

Ka dib 32 toddobaad oo isbitaal ay ku jirtay, dhawr goorna wadnaha looga soo booday, afarta addinna laga jaray, ayaa Manjit Sangha oo ka badbaadday xanuunka Sepsis waxay ugu dambayntii ku soo laabtay gurigeeda.

In kasta oo ay dhakhaatiirtu u malaynayeen in gabadhan 56 jirka ah ay runtii dhiman doonto, haddana waxay ka tagtay Ward 9 ee Moseley Hall ee Birmingham todobaadkii hore, iyada oo ka heshay soo dhawayn geesinimo leh qoyskeeda oo ku sugan Penn, oo ku taal xadka Wolverhampton/Staffordshire.

Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in xanuunka haya ee Sepsis uu ka dhashay wax aan waxba galabsan oo aan laga shakin karin sida leef-leefka eygeeda oo meel yar ka jaray ama ka xoqay.

Ayadoo hadda soo kabanaysa, bilaabaysana inay dib u dhisto nolosheeda, ayaa waxay hadda doonaysaa inay uga digto dadka kale khatarta Sepsis, iyada oo aaminsan “inay ku dhici karto qof kasta”.

” Way adag tahay in la sharraxo waayo-aragnimada” ayay tiri. “In aad ku lumiso addimadaada iyo gacmahaaga muddo gaaban waa arrin aad u weyn. “Waa arrin aad u halis ah, mana aha in la fududeysto”.

” Way adag tahay in la sharraxo waayo-aragnimada” ayay tiri. “In aad ku lumiso addimadaada iyo gacmahaaga muddo gaaban waa arrin aad u weyn. “Waa arrin aad u halis ah, mana aha in la fududeysto”.

Related posts

Sucuudiga oo masiibo ku tilmaamay carqaladaynta Marinka Hormuz

Cabdi Casiis

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Sheegay Hadal Culeska Ku Kordhi Kara Iiraan

Cabdi Casiis

Tirada iyo magacyada dalalka ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

Cabdi Casiis