borama 250x250

Saturday, 13 August 2016 04:24

Dalkoo la dhiso Waxaa Ka Horeeya Dadkoo la dhiso+Dayacnaantii Dadka Waxaa Lagu Daray Miirashadda Dalka .

Waxaa Mahadnaq-Iyo ugaaryeelid mudan Eebeheen ,sareeye,ee inoo suurta geliyaay inaan Awood ,Karti,Wakhti u helno Qoraalkan ,oo hadaan alle saamixin,Inana siin Caqli,garsheed aynaan waxba Qori karneen,waxa Akhriyikarneen,Marlabaadkana waxaa ,Aaman ,Mudan Akhristayaasha ,Gaar ahaan Kuwa Qaderiya ,Maamusa,Ildheer ule Qaraaladaydan Taxanahaa.

Ee aan bulshadda kula wadaagayo wixii Afkaara wixii talaa wixii Tusaala iyo Taban taabo odhaaheed waxaan qabbo.

Intaa ka dib waxaan shakhsi ahaaan qabaa in  dalka la dhiso oo la maag geliyo waxaa ka horeeya in dadka la dhiso oo Caqli ahaan Garaad ahaan iyo garasho ahaanba loo dhiso taas oo u fiican Horumarka Hiigsiga iyo Himiladda Dalka .

Waxaa haboon in bulshadda deeganka soomaliland ay baahi badan u qabaan inay feker ahaan iyo odhaah ahaanba dhismaan oo ay Fahmaan wadooyinka Dalka iyo Dadka Danahooda Diintooda Loo Horumariyo.

Laakiin Haddoii layskaaga soo baaddo waxaan Dhisaynaa waddo Waxaan Maalgelinaynaaa Dekedahaa waxaan Xidhaynaaa seere  waxaan Furnay wadda Hadal ,waxaan odhankarnaa waxaa ka qiimo iyo Qaayo badan ,inaad Maskax Miyir iyo Masab ahaan aad u dhisto Bulshadaada oo aad barta unna soo Bandhigto Qaabka Dalku Uu Horumar iyo Hayaanba u Gaadhayo.

Waxaan Tallo Tusaale ugu soo jeedinayaan Dawaladda Waxgaradka iyo  Waxa Maal geliyahaba inaan horta Samayno Qorshe Tolmoon oo ay bulshadeenu Xog-iyo Xogogaal ku Noqonkaraan.

Haddii Kalle waxaa Dhicin Labo aan Isfahminiyo Labo aan is wadda socon iyo labo aan wadda jirin iyo Hal aan lagugu Raacin iyo Heshiis aan suurta Gelin.

 

 

Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Burao/Somaliland Mobil:0634431347

Email:Mukhtaar This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree