Friday, 12 May 2017 12:44

ETHIOPIA OO SAAMI LAGA SIIYO MAALGESHIGA DEKADDA BERBERA MAXAY KA DHIGANTAHAY? W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID

MARKA HORE MAHAD OO DHAMI EEBE AYAY U SUGNAATAY, NABADGELYO IYO NAXARIISINA SUUBANAHEENA MUXAMMAD. MARKA XIGA WAXAAN SALAAN DIIRAN HAWADA U MARINAYAA BAHDA SAXAAFADDA IYO QOF KASTA OO QORAALKAYGANI SOO GAADHO.
WAXAAN DHEGAYSTAY WARKII WASIIRKA GANACSIGA IYO MAALGASHIGA SOMALILAND DR. CUMAR SHUCAYB EE BBC-DA LAANTA AFKA SOMALIGA KA BAXAY MANTA OO BISHU TAHAY 11 MAY 2017, KAAS OO UU KU SHEEGAY IN DAWLADDA ETHIOPIA SAAMI LAGA SIIYAY MAALGASHIGA DEKADDA BERBERA.
ANIGA FIKIRKAYGA ARINTANI RUNTII WAA LOO BAAHNAA. MAXAA YEELAY, WAXAY KAALIN KA QAADANAYSAA  IN MASHRUUCANI GUULAYSTO ISLA MARKAANA UU NOQDO MID MUDDO DHEER SOCDA (SUSTAINABLE), OO TRATAMI KARA (COMPETITIVE). WAA LABA QODOB OO MUHIIM U AH GANACSIGA.
XIKMADDU SIDA LA WADA FAHMI KARO WAXA WEEYE IN ETHIOPINA TAA BEDELKEEDA AY QAYB LAXAAD LEH OO KA MID AH WAX YAABAHA AY DIBADDA KA KASOO DEGSANAYSO AMABA DHOOFINAYSO UU MARINKEEDU NOQDO BERBERA. SIDAAS HADDAY DHACDO WAXA KORDHAYA DHAQDHAQAAQA BADEECADA, MARKA KORODHKAASU YIMAADANA WAXA LA RAJAYNAYAA IN DAKHLIGA CASHUURAHA CUSTOMSKUNA KOR U KACO OO IYANA KA DHIGAN IN MIISAANIYADDA SOMALILAND KORODHO. XUKUUMADDA ARINTAA WAYNU KU BOGAADINAYNAA.
MAADAAMA ETHIOPIA QAYB KA NOQOTAY, HESHIISKA MAALGASHIGA DEKADDA BERBERA WAXA LA RAJAYNAYAA INAY TAAS BARBAR SOCOTO IN GUUD AAAN DIB LOOGU NOQDO GANACSIGA LADA DAL U KALA GUDBA OO WAXYAABO BADAN LA FUDUDEEYO. SIDA IN BADEECADUHU SI FUDUD OO SHARCI AH XUDUUDAHA ISAGA GUDBAAN MEESHANA LOOGA SAARO COOTARABANDKA IWM. WAXAA KALE OO LA RAJAYNAYAA INAY TANI IBAFURTO IN GANACSIGU LABADA DHINACBA U SOCDO OO AANU DHINAC QUDHA U SOCON. METELAN QAADKA OO LACAG BADANI SOMALILAND KAGA BAXDO, WAA IN DHINACA KALENA (ETHIOPIA) QAADATO BADEECADAHA SOMALILAND SIDA KALLUUNKA OO KALE.
WAXAA LA RAJAYNAYAA IN DHISMIHII DEKADDA BALAADHINTEEDII BILAABMO SI DHAKHSO AH IYO MASHAARIICDII KALE EE LA SOCOTAYBA.
HAMBALYO MARLABAAD XUKUUMADDA KULMIYE IYO MADAXWEYNAHABA.
CABDIRAXMAN CAYDIID
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree