LOGO3ABDUU

Tuesday, 05 December 2017 17:10

"Arrinta Qudus Muslimiinta waxay uga dhigan tahay khad cas" Madaxwaynaha Turkiga Oo Si Kulul Uga Hadlay Xaalada Magaalada Qudus Ee Uu Tramp Rabo In Uu U Aqoonsado Caasimada Yayuuda

05/12/2017 (BNN) "Arrinta Qudus Muslimiinta waxay uga dhigan tahay khad cas" Madaxwaynaha Turkiga Oo Si Kulul Uga Hadlay Xaalada Magaalada Qudus Ee Uu Tramp Rabo In Uu U Aqoonsado Caasimada Yayuuda

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka digay in dalkiisu uu xiriirka u jari doono Israa'iil haddii Mareykanku uu u aqoonsado Qudus inay tahay caasimadda Israa'iil.
Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in tallaabdaasi ay Muslimiinta dunida uga dhigan tahay in Mareykanku uu khadka cas ka tallaabay.
Dalal badan ayaa ka dalbaday Donald Trump inuusan qaadin tallaabadaasi.
Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono isbuucan, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol'olaha doorashada.
"Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad casa ay uga dhigan tahay Muslimiinta," ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishinka.
"Waxay arrintaa horseedi kartaa inaaan calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa'iil", ayuu sii raaciyay Erdogan.
Haddii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa'iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeyo tan iyo markii la alkumay xukumadda Israa'iil 1984.
Israa'iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.
Israa'iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.
Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.
Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu go'aamiyo wadahadal aysanna samaynin wax saamayn ku yeelan kara waxa ka soo bixi doona wadahadalladaas.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree