ABDUU

Tuesday, 13 March 2018 18:05

Deg Deg: Gudoomiye Ciro Oo Ganafka Ku Dhuftey Dalab Uu Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Kaga Codsadey Inuu U Raaco Safarka Dalka Imaraadka Iyo Sobobta

13/3/2018 (BNN) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeesha gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka iyo shir gudoonka golayaasha guurtida iyo wakiilada .

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaas laba gudoomiye xisbi mucaarid uu kaga codsadey in ay u raacaan dalka Imaraadka carabta oo uu galabta safar deg deg ah ugu baxay .

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa ilo xog ogaal ah oo soo gaadhay shabakada Ilaysnews.com u sheegen in uu ganafka ku dhuftey codsigaas isla markaana uu sheegay in aanu isagu u raaci doonin safarka uu ku tagaayo dalka Imaaradka carabta .

Balse waxaa codsigaas ka aqbalay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID FaysalCali Waraabe kaas oo ka mid ahaa wafigii galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ee uu madaxweynaha Somaliland hogaaminaayey


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree