ABDUU

Tuesday, 15 May 2018 23:14

Wadamada Islaamka Oo Isku Raacay In Maalinta Khamiista Ah Ay Tahay Maalinta 1aad Ee Bisha Barakaysan Ee Ramadaanta

15/05/2018(BNN) Waxaa Caawa oo idil la raadinayay Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo Maanta aheyd 29-ka Shacbaan sanadka 1439 Hijriyada.

Mana jirto Meel kamid ah Soomaaliya ama Wadamada Islaamka oo laga soo sheegay Cid aragtay Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, sidaa awgeedna Berri la buuxinayo 30-Bisha Shacbaan.

Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Maleysia, Indonesia, Qadar, Kuwait iyo Dalal kale ayaa ku dhawaaqay in Bilawga Bisha Ramadaan ay ku beegan tahay Khamiista oo ah 17-ka bisha May, kadib markii la waayay Meel laga arkay.

Waxa ay sheegeen in ay ka eegeen saddex siyaabood oo lagu soomi karo, misana ah kala ah:- In la helo Cid aragtay oo lagu kalsoonaan karo, In la arko qof arkay cid aragtay Bisha Ramadaan oo lagu kalsoonaan karo ama la buuxiyay Bisha Shacbaan, saddexdaasina aanan dhicin.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree