Wednesday, 16 May 2018 10:14

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Mudo Kordhin U Samaysay Ciidamada Nabad Sugida Ee Amisom Shaaciyayna In Taageero Buuxda Loo Fidiyo Amisom

16/05/2018(BNN) 15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay Kulan Khaas ah ka yeesheen Arrimaha Somalia, gaar ahaan Hawlgalka AMISOM iyo dhimista Tiradda Ciiddankaasi.

Goluhu waxay isku raaceen inay taageero u fidiyaan AMISOM, lana kordhiyo xilliga Daad-gureyntooda oo la gaarsiiyey ilaa dhamaadka bisha July ee sannadkan.
Qaraarka Golaaha Ammaanka ee QM waxa u umar kale ku baaqay go’aankii hore ee Ururka Midowga Afrika ku xaqiijinayaan dhimista Tirada Ciiddanka AMISOM aan labisnayn la gaarsiiyo 20,626 Askari, halka ay haatan ka yihiin 22,126 Askari .

Golaha Ammaanka ee QM waxay ka codsadeen Xoghayaha Guud ee QM in la sii wado Taageeradda Lojistikadda ee la siinayo AMISOM IYO 70-ka Shaqaalahodoa Rayidka iyo 10,900 oo Ciiddanka Somalia iyo Hawlgalka QM ee taageeradda Somalia ee UNSOM.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree