borama 250x250

ABDUU

Wednesday, 16 May 2018 12:00

DEG DEG:Warar kasoo Baxaya Xaalada Aaga Dagaalka Ee Tukaraq Barakac Dadka Deegaanka Dhimashada Saraakiil Iyo Askar La,Aasay Iyo Madaafiic Maanta ....

daa

16/07/2018 (BNN) Dagaalkii ka socdey aaga Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland  ayaa istaagey xiligii makhribka ee shalay, waxaana uu socdey muddo 10 saacadood ah. Dagaalka ayaa u qaybsanaa  dhawr qaybood waxaana bilowgiisu ka dhacay hawdka u dhexeeya Boocame iyo Tukaraq,  dagaalkaas oo ka dhacay laba aag ayaa waxaa uu qaboobay duhurkii kadib markii roob xooggan halkaas ka da’ay. Dagaalka labaad  ayaa ka dhacay ka dhacay waddada laamiga ah.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dagaalkii shalay dhimashada inka badan 30 askari laxaqiijiyay labada dhinacba,Somaliland ayaa 17 askari kaga dhinteen dagaalkii shalay qaar kalena dhaawac soo gaadhay,Labada ciidan ayaa gaadiid fara badan kala qabsaday, dhanka Puntland waxay shegeen inay qabsadeen afar gaadhi oo gaashaamaan halka ay sheegeen inay gubeen mid kale. Somaliland ayaa sheegtay inay sadex gaadhina qabsatay labana gubtay.

Askarta Somaliland ka dhimatay waxaa ku jiray rag saraakiil sare ah oo uu ka mid yahay Maxamed Da,uud Iyo Ibraahim Cali oo hogaanka dagaalka ku jiray.Masuul ku sugan laascaanood oo Boramanews la hadlay ayaa sheegay in khasaaruhu badan yahay labada dhinacba isla markaana dagaalku imika joogsaday balse labada dhinacba uu gurmad horlihi soo gaadhay.

Puntland ayaa iyadna la cadeeyay in dhimasho ba,ani soo gaadhay waxayna qireen dhimashada 7 askari iyo dhaawaca 5 kale balse waxa la sheegayaa in dagaalkii shalay ahaa kii ugu xoog badnaa ee Maamulada is hirdinayi isku qaadaan.

Wararkii ugu danbeeyey saaka ayaa dadka deegaanku sheegayaan in madaafiic la isku ridayo, isla markaana ay u eg tahay is yool baadhis sida ay sheegayaan dadka deegaanka ka ag dhaw.

Dadkii deegaanka Tukaraq ayaa ka baracay magaalada , waxana aan jirin cid gar gaar gaadhsiisay. Ilaa hada waxaan kaloo jirin waan waan labada dhinac laga dhex wado, inkastoo baaq uu soo saaray  Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal ay yeeshaan Somaliland iyo Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhankiisa war uu soo saaray shalay wuxuu ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday Tukaraq.

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree