borama 250x250

ABDUU

Thursday, 14 June 2018 05:11

Qaabkee Ayay Madaxda Somaliland Iyo Puntland Muuse Biixi Iyo Cabdiwali Gaas Guul Uga Gaadheen Dagaalka Qabiilaysan Ee Degmada Tukaraq???

gaass14/07/2018 (BNN) Tan iyo markii la doortay Madaxwaynaha Somaliland Somaliland Biixi cabdi  oo muddo yar kadib Madaxwaynaha Somaliya Farmaajo ku yimiday Socdaal Puntland ayaa waxaa ciidamada Somaliland oo ka jawaabaya Socdaalka Farmaajo xoog ku qabsadeen bartii cashuuraha ee Maamulka Puntland kulahaa Gobolka Sool degmada Tukaraq.

Dagaalkani ay Somaliland bilowgaada lahayd ee jawaabta looga dhigay Socdaalkii Farmaajo ayaa sidii la filayay noqonin.Ciidamada Somaliland ayaa horay u caydhsaday ciidamadii Cali Khaliif Galaydh ee Khaatumostate kalana wareegay deegaano badan oo ay ku jirto Saaxdheer Iyo Taleex oo deegaano muhiima ugu dambayntiina Cali Khaliif isku dhiibay Somaliland.Deegaanada Cali Khaliif lagala wareegay hortiis Puntland ayaa ka talinjirtay balse wax dhaqaale iyo horumar way ka aradnaayeen walina wax horumar ah oo xaga biyaha iyo cisbataalada Somaliland kama hirgalin.

Haddaba dagaalkani Tukaraq ayaa la,iswaydiinayaa faa,iidada Madaxda Puntland Iyo Somaliland ka geedheen waa Cabdiwali Gaas Iyo Muuse Biixi Cabdiye.

Waa Marka koowaade Muuse Biixi Cabdi guul nuucee ah ayuu kasoo hooyay dagaalka Tukaraq shakhsiyan?

Dadka siyaasada Somaliland sida wayn isha ugu haya ayaa Boramanews u cadeeyay in Muuse Biixi ku guulaystay in uu malmalo indhaha shacabka Somaliland,isla markaana meesha ka saaro dadaalkii mucaaridka ee Beesha Garxajiska oo liqila,ayd xukunkiisa doorashadii kadib,Waxa uu buunbuuniyay dagaalka Tukaraq oo uu sameeyay cinwaan iyo cod ka buuqbadan dagaaladii beelaha Ceelafwayn waxaana uu abaabul dhaqaale iyo caawimaad ah ku faafiyay  telefishanka Somaliland ee uu maamulo iyadoo shacabka beelaha Isaaqu ciidanka Somaliland raashin iyo xooloba ugu deeqayaan.Guusha Muuse Biixi ayaa ah mid aan la yaraysan karin mar haddii dhibaatadii gudaha ka haysatay u badalay mid dibada ah isla markaana sameeyay hal hayso beesha Isaaqa lagu midaynayo loona tusayo inuu Daaroodku duulaan ku yahay Somaliland xili Daaroodka laf ahaantiisu ka mid yahay xukuumadiisa balse waxba laga qarsan.Muuse Biixi oo dagaalka Tukaraq horteed laga aaminsanaa nin boobay doorashadii ayaa maanta loo arkaa hogaamiye difaacaya Somaliland taasi oo guul ugu filan dagaalka Tukaraq intuu doonaba hasocdee...

Faa,iidada Cabdiwali Gaas oo xilku kasii dhamaanayo ayaa isaguna waxaa uu guul muuqata ka gaadhay adeegsiga qabyaalada,waxaana dagaalkii lagu jabiyay ciidankiisa ee looga qabsaday Tukaraq uu u badalay mid beelaha Jeegaantu kusoo qaadeen Puntland isla markaana dhulkii Daaroodka xoog loogu sheegtay,waxaana uu isticmaalay golaha wasiiradiisa oo ay ka mid yihiin dhamaan inta badan beelaha Daaroodka oo ku jiraan Ogaadeen Iyo Mareexaan,Waxaana dagaalkii Tukaraq uu ka dhigay Mid Daarood Iyo Jeegaantu isku hirdinayaaan,taasi oo shacabka Gobolka Sool si wayn ula dhaceen isla markaana usoo jiiday taageero si dhibyar loo heli lahayn,mudaharaado iyo dagaalo qabiilaysan oo lagu taageerayo Puntland ayaa meelwalba laga istaadhay Gobolka Sool,waxaana soo baxay waxgarad badheedhay oo si toosa qabyaalad ah ku taageeray Puntland.Cabdiwali Gaas lama oga qabyaalada uu ku macaashay in uu meel dhexe kaga hadhi doono iyo inkale iyadoo la filayo inay Itoobiya runta u kala sheegto labada is haya ee Somaliland Iyo Puntland,lamana oga Gaas inuu markaliya wax kabadali doono qaabkani uu ku mideeyay beelaha Daaroodka oo taageero loo kala hadhin u muujiyay dagaalka Tukaraq.

Dagaalka Tukaraq ayaa ah mid foolxun oo qabyaaladaysan waxaana uu shacabka xasuusiyay dagaaladii sokeeye ee Soomaalidu kukala adkaan wayday ee bilaabmay 1991kii lamana oga dagaalka Tukaraqsida uu ku qaboobi doono iyadoo abaabulku dhinacwalba uu ka socdo.

Cabdiraxman X Xasan (Suul)

Boramanews/Hargeysa

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree