borama 250x250

ABDUU

Thursday, 09 August 2018 15:37

Gudoomiyaha Xisbi Mucaaridka Ah Ee Ucid Faysal Cali Waraabe Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Qalibi Dhagax Oo Ku Suagan Dalka Kenya Iyo Waxyaabihii Ay Ka Wada Hadleen

09/08/2018(BNN) Magaalada Nairobi waxa kullan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Ucid SLN, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah jabhadda ONLF. Kullankani ayaa la sheegay in Faysal iyo Qalbi-dhagax in ay arrimo badan kaga wada hadleen.

Sawirraan lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Faysal Cali Waraabe iyo Qalbi-dhagax oo sawir ku wada jira.

Faahfaahin dheeriya lagama helin arrimaha ay ka wada hadleen Faysal iyo Qalbi-dhagax.

Waxa xusid mudan in guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland Ucid Eng. Fayasal Cali Waraabe uu bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay in Hargeysa lagu casuumi doono Cabdikariim Qalbi-dhagax oo dhawaan laga soo dayay xabsi guri ku yaala Itoobiya kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya iyada oo ku eeday argagixiso iyo in aanu ahayn nin dhallasho Soomaali ah sitta.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree