Sunday, 16 July 2017 12:03

Munaasabad Casho Sharaf Ah Oo Loo Sameeyay Maamulka Iyo Macallimiinta Dugsiyada Cumar Binu Khadaab Ee Magaalada Borama +SAWIRRO

16-07-2017 (Bnn) Waxaa habeenimadii Xalay munaasabad casho sharaf ah loo qabtay Maamulka iyo ardayda Dugsiyada Cumar Binu khadaab ee Magaalada Boorama taas oo ka dhacday Hotel RAYS Boorama.
Munaasabadan casho sharafta ah oo ay soo agaasimeen qaar ka mid ah Ardayda Sannadkan ka qalinjabisay Dugsiga Sare Ee Cumar Binu Khadaab qaybta ragga waxaana ka soo qayb galay Arday, waalidiin, Macallimiin iyo maamulka Dugusiyada Cumar Binu KHadaab.
Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay mid ka mid ah ardayda munaasabadan soo agaasintay isaga oo ku hadlay Afka ardaydaas waxa uu soo dhaweeyay maamulka iyo mcallimiinta xafladan ka soo qayb gashay waxa uuna uga mahadceliyay dadaalkii dheeraa iyo aqoontii ay soo barayeen mudada sannadada badnayd.
Dhanka kale waxaa iyagna halkaas hadalo mahadnaq iyo gubaabo ah ka soo jeediyay Maamulka iyo qaar ka mid ah Macallimiinta waxa ayna alle ardaydaas uga baryeen in natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee ay galeen darajo fiican ka keenaan,waxa ayna kula dardaarmeen joogtaynta ka warhaynta dugsigoodan ay ka baxeen.

By.Wariye Awliyo Miicaad

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree