Imaaraatka Carabta (UAE) iyo Sacuudiga weligood ma ahayn kuwo iska soo horjeeda.
Tusaale ahaan, waxay si wada jir ah uga shaqeeyeen sidii ay u caawin lahaayeen madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi inuu xukunka qabto.
Inkasta oo ay maanta isku soo jeesteen, haddana waxa ay hore mawqifyo isku mid ah uga qaateen Liibiya iyo Yemen.
Wadamada Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale mowqif isku mid ah ka leh arrimaha Israa’iil iyo Falastiin.
Sababo badan ayaa jira khilaafkooda, balse warbixintaan waxaan ku soo qaadanaynaa sababaha ugu waaweyn ee khilaafkooda.
Magaca Itoobiya ayaa lagu soo qaadayey Imaaraadka iyo Sacuudiga in muddo ah. Mustaqbalku waa ganacsi iyo maalgashi, laakiin ma jiraa ajande siyaasadeed oo ka dambeeya? Maxay yihiin arrimaha tilmaamaya jiritaanka qorshe siyaasadeed?
Turkiga ayaa isna dhanka kale u socda. Si ka duwan labada dal ee Khaliijka [Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka], Itoobiya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah.
Laakiin qaab noocee ah ayuu hadda xiriirkoodu yahay? Mukarram Mifta (PhD) oo ah cilmi-baare dhanka siyaasadda ah oo ka tirsan jaamacadda shaqaalaha dawladda Itoobiya ayaa is barbar dhigay danaha Imaaraadka iyo Sucuudiga iyo danaha Maraykanka iyo Israa’iil.
Ibrahim Mulushawa (PhD) oo ah aasaasaha iyo madaxa xarunta daraasaadka is-dhexgalka heer qaran iyo heer gobol ayaa sheegay in Turkiga uu hadda majaraha u hayo Erdogan uu ahmiyad gaar ah siinayo Afrika.
Saddexda waddan maxay ka rabaan Itoobiya? Si aan tan u fahanno, aan dib u yara noqonno.
Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay saameynta ay ku leeyihiin dalalka Itoobiya iyo Koonfur Afrika.
Halkee buu ka dhashay xifaaltanka ka dhexeeya dalalkan? Labada dal waa dalal Muslim ah oo Carab ah.
Laakin waxay u loollamayaan inay ka sare maraan dalalka Carabta ee Muslimka ah.
Dr. A.S. Mukarram ayaa sheegay in mucaaradku ay sii xoogeysteen, gaar ahaan tan iyo markii uu xukunka la wareegay wiilka boqor Maxamed Bin Salmaan.
Sacuudi Carabiya waxay isu aragtaa inay matasho dalalka Muslimka ah, sababtoo ah waxay hoy u tahay meelaha ugu qadarinta badan Islaamka, Maka iyo Madiina.
Imaaraadku ma lahayn taariikh ballaaran oo diineed iyo mid taariikheed oo uu ku tartamo arrintan, sidaas darteed waxay xoojiyeen tartankooda dhaqaale.
Imaaraadku waxa uu ku tartamayaa tartan adag oo dhanka sayniska iyo tignoolajiyada ah iyo sidoo kale qaybta dhismaha.
Qaar badan oo ka mid ah ganacsatada Yurub, Mareykanka, Shiinaha iyo Hindida ayaa maalgashaday Imaaraadka Carabta, iyaga oo ka caawiyay dalka inuu si degdeg ah u koro.
Dr. A.S. Mukarram waxa uu sheegay in Sucuudigu aanu guusha dhaqaale la wadaagi karin sida Imaaraadka oo kale.
Marka ay sii korodho su’aasha ah sarraynta diinta, arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa si lama filaan ah u raacaya.
Imaaraadku waayadan dambe waxa uu dhisayay dhaqaale ku salaysan adeegyo xooggan.
Dubai, oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo badan, ayaa tusaale fiican u ah arrintan.
Dhinaca kale, Sacuudiga waxa uu leeyahay kheyraad shidaal oo aad u badan.
Khubaradu waxa ay sheegeen in taasi ay xoojinayso awoodeeda iyada oo hubka casriga ah ka soo iibsanaysa Maraykan

Khubaradu waxa ay sheegeen in taasi ay xoojinayso awoodeeda iyada oo hubka casriga ah ka soo iibsanaysa Maraykanka iyo Yurub oo leh khayraadkeeda shidaalka. Arrintan marka la eego Imaaraadku aad uma xoog badna.
“Dareenka tartanka ugu dambeyntii wuxuu u wareegay xafiiltan,” ayuu yiri. Mukarram. Waxa uu sheegay in loolanka Imaaraadka iyo Sacuudiga uu ka soo bilowdo danaha gaarka ah ee madaxdooda.
ka iyo Yurub oo leh khayraadkeeda shidaalka. Arrintan marka la eego Imaaraadku aad uma xoog badna.