boramanews.com

Ciidamada ICE ee Minnesota oo barafka ku jiiday nin ay u dhaceen gurigiisa

Nin deggan gobolka Minnesota ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters shalay inuu dareemay cabsi, ceeb, iyo rajo-beel, maalin ka dib markii saraakiisha socdaalka ee ICE ay albaabkiisa ku jebiyeen qoryo, ay katiineeyeen, ka dibna ay ku jiideen barafka isagoo xiran buume iyo kabaha guriga lagu joogo.

ChongLy Thao, oo 56 jir ah, una dhashay Mareykanka (isagoo isticmaala magaca Scott), ayaa sheegay in gurigiisa dib loogu soo celiyay galabnimadii Axadda iyada oo aan wax sharraxaad ah ama raalligelin ah la siin.

“Waan duceysanayay. Waxaan lahaa, Ilaahow fadlan i caawi, wax khaldan ma sameyn. Maxay sidan iigu sameynayaan? Anigoon dharkayga qabin,” ayuu Thao, oo ah nin u dhashay qowmiyadda Hmong ee dalka Laos, ugu sheegay Reuters isagoo joga gurigiisa Isniintii, xilli deriskiisu ay ku mashquulsanaayeen hagaajinta albaabka jabsan.

Sawirrada dhacdadan oo muujinaya Thao oo dhar la’aan ah, bustena ku duuban, kuwaas oo ay qaadeen sawir-qaade ka tirsan Reuters iyo dad goob-joogayaal ah, ayaa ku faafay baraha bulshada. Tani waxay sii kordhisay walaaca laga qabo in saraakiisha amniga federaalka ay ku xad-gudbayaan awooddooda qayb ka ah ololaha socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump, kaas oo lagu geeyay ilaa 3,000 oo sarkaal agagaarka Minneapolis.

Related posts

“Fiqi iyo Xasan Sheekh mooyee dadka kale ee Muqdisho ku nool waa dad dowladnimo rabo, Fiqi waxa uu ka xishoon waayay Sheekh Shariif oo heer Taliye Nabadsugid gaarsiiyay”Siyaasi Bood Cabdullaahi Magan

Cabdi Casiis

“Jabuuti Cudur baa ku dhacay Markii Uu Aqoonsigu Yimid Iyayna U Taalaa” Wasiirka madaxtooyada Somaliland

Cabdi Casiis

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo ka hadlay Waxqabadkii Wasaaradda ee Sannadkii 2025.

Cabdi Casiis