boramanews.com

Dowlada Iiraan Oo Ka Hadashay Maraakiib Shidaal Oo Gacanta Ay Ku Dhigtay

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay qabteen laba markab oo siday “shidaal sharci daro ah” oo marayay gacanka Faaris.

Mas’uul ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa Idaacadda Iiraan u sheegay in markabadan lagu qabtay amar maxkamadeed meel u dhow Jasiiradda Farsi, kadibna loo wareejiyay Bushehr.

Sida uu mas’uulkaasi sheegay, “in ka badan hal milyan oo litir oo shidaal nooca diesel-ka ah oo sharci daro ah” ayaa laga helay maraakiibtan, waxaana loo gudbiyay Shirkadda Qaybinta iyo Saliidda Qaranka.

Wuxuu intaa ku daray in “15 shaqaale ajnabi ah” oo maraakiibtan saarnaa sidoo kale la xiray laguna wareejiyay hay’adaha garsoorka.

Qabashada maraakiibtan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington ay sii kordhayaan iyo imaanshaha ciidanka badda ee Maraykanka ee gobolka.

Related posts

“ Diinta Islaamka suurto gal maaha in la qayb qaybiyo oo intaad doonayso aad ka qaadato “ Sh.Maxamed

Cabdi Casiis

Shirka Golaha Wasiirada Somaliya Oo Lagu Wado In Uu Ka Qabsoomo Magaalada Laascaanood

Cabdi Casiis

“Deeganada Gadabuursi iyo Ciise Doorasho kama dhacayso …”Cabdinaasir Buuni

mustafeamiin@gmail.com