boramanews.com

Faahfaahin ka soo baxaysa tahriibayaal ku dhintay badda Giriigga iyo dalalka ay ka yimaaden

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sheegaya in ugu yaraan afar iyo toban muhaajiriin ah ay ku dhinteen shil ka dhacay jasiiradda Chios ee Badda Aegean-ka. Ugu yaraan laba sarkaal oo ilaalada xeebaha ah iyo labaatan iyo shan muhaajiriin ah ayaa dhaawacmay.

Waxaa loo wareejiyay isbitaal ku yaal Chios. Ilaalada xeebaha ayaa sheegaya in doontii muhaajiriinta ay ku dhacday markabkooda iyadoo lagu amray inay dib u laabtaan.

Ilaalada xeebaha Giriiga iyo ciidamada cirka ayaa raadinaya muhaajiriin loo malaynayo inay maqan yihiin. Dhalashadooda lama caddeyn laakiin Giriiggu waa albaab ay jecel yihiin muhaajiriinta iyo qaxootiga ka imanaya Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Related posts

Wareegi sadexaad ee wadahadallada Iran iyo Mareyknka oo maanta dhacaya iyo Trump oo weli hanjabaya

Cabdi Casiis

Maamulkii milatariga ah ee Sudan oo duqeeyay dad shacab ah

Cabdi Casiis

Wasaarada Gaashandhiga Somaliland Oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Hanjabaadii Somaliya

Cabdi Casiis