boramanews.com

Iiraan oo beenisay hadal uu Maraykanka ka sheegay

Saddex maalmood ka dib wadahadalkii Iran iyo Mareykanka ee Geneva, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in inta lagu guda jiray wadahadalka, cidina aysan Iran usoo jeedin in la joojiyo tayeynta Yuraaniyaamta, sidoo kalena Maraykanku uusan dalban gabi aahaanba joojinta tayeynta.

Cabbaas Araqchi ayaa u sheegay telefishinka Mareykanka ee MSNBC “waxa aan hadda ka wada hadlayno waa sidii loo xaqiijin lahaa in barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jirto tayeynta, uu noqdo mid nabdoon oo weligiis nabad ah, iyo in Iran ay qaado tillaabooyin lagu dhisayo kalsoonida, iyo in cunaqabateyntana laga qaado.”

Saraakiisha Mareykanka ayaa marar badan ku celceliyay in ay tahay in la joojiyo tayeynta Yuraaniyaamka Iran, sidoo kale barnaamijka gantaalada Iran iyo taageerada ay siiso kooxaha mandiqadda ku sugan in lagu daro ajandaha wada xaajoodka.

Wadahadal cusub oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka oo hakad galay kadib dagaal socday 12 maalmood, ayaa labo todobaad ka hor bilowday iyada oo ay dhex dhexaadinayso Cumaan. Hal wareeg oo wadahadal ah ayaa ka dhacay magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan, waxaana wareegii labaad uu ka dhacay qunsuliyadda Cumaan ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Saraakiisha Iran ayaa ku dhawaaqay intii uu socday wadahadalka Geneva inay diyaar u yihiin inay sii joogaan magaalada “maalmo iyo toddobaadyo” iyada oo ujeedadu tahay in la dardargeliyo heshiis suurtagal ah. Si kastaba ha ahaatee, saacado ka dib ku dhawaaqista diyaar garow, wada-hadallada ayaa dhammaaday, waxaana lagu dhawaaqay in Iran ay jawaab qoraal ah u gudbiso Maraykanka muddo ku siman laba toddobaad.

Iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in Maraykanku “ay tahay inuu heshiis macno leh la galo Iran” uuna ku dhawaaqay inay kala caddaan doonto “10 ilaa 15 maalmood ee soo socda” go’aanka uu ka qaadan doono Iran, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay “ma jiro waqti kama dambays ah.”

“Waxaan ka wada hadalnay sidii aan heshiis deg deg ah ku gaari lahayn, heshiis deg-deg ah ayaa ah mid labada dhinac ay daneynayaan, sida aad ogtihiin waxaa na saaran cunaqabateyn, sida aad ogtihiin maalinba maalinta ay ka dhawdahay ee cunaqabateynta nalaga qaadi karo, waa nooga sii wanaagsan tahay tan kale, marka ma jirto sabab aan dib u dhigno heshiis suurtagal ah ama waqti aan lumino, ma lihin wax ujeedo ah oo aan sidaas u sameyno gabi ahaanba,” ayuu yiri Mr. Araghchi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa yiri “Waxaan faray kooxdayda inay ka shaqeeyaan dhinacyo kala duwan oo heshiis suurtagal ah.”

Related posts

Muxuu yahay sirdoonka Dhaawacay Awooda imaaraadka Carabta.?

Cabdi Casiis

“Dhulabahnte Iyo Isaaq waa walaal Xasan Sheekh laascaano fidno ayu la imaan” Wasiir Caydiid

Cabdi Casiis

Awdal iyo Salal SOMALILAND Miyay Fasaxaysaai Sidii KHAATUMO Mase Dhici Kartaa in ..

Cabdi Casiis