boramanews.com

Internetka Iran oo weli go’an iyo dadka oo isticmalaay internetka dayax-gacmeedka Starlink

Dalka Iran weli waxaa go’an dhanka internet-ka tan iyo Khamiistii. Laakiin dadka qaar ayaa awooday inay khadka ka galaan adeegga internetka dhanka dayax-gacmeedka ee Starlink – in kastoo sida aan horay u soo sheegnay ay jirtay cabsi laga qabo in isticmaalayaasha ay dowladda raadsato.

Waxa aan la sheekeysanayay qof ku sugan Iran oo ku xiran Starlink.

Waxay noo sheegeen inay u egtahay in mas’uuliyiintu ay isku dayayaan inay xakameeyaan kuwa adeegsada adeegga, iyagoo carqaladeynaya xiriirka.

“Maxay mas’uuliyiintu sameyn doonaan haddii ay ogaadaan inaad hadda ku xiran tahay?” ayaan weeydiinay.

Jawaabta: “Xitaa ma doonayo in aan ka fekero, waxaa la lagu eedeyn karaa basaasnimo.”

Taasi waa eedayn laga yaabo in ay keento xukunka dilka ah.

“Maxaad tan u samaynaysaa markaa?” ayaan waydiinay

“Murugadan iyo carradani ma aha inaan qarsano,” ayay ku jawaabeen. “Adduunku waa inuu ogaadaa waxa gudaha nagula dhacaya.”

Related posts

Diyaaradaha Maraykanka oo ka huleelay Spain kadib go’aan ka yimid dowladda

Cabdi Casiis

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Donald Trump Oo Hanjabaad Cusub U Diray Iran

Cabdi Casiis

Kuweyt ayaa ku dhawaaqday khasaare gaadhay ciidankeeda

Cabdi Casiis