boramanews.com

Kadib duqeymo ba’an oo maalmo ku socday dalkiisa hadda ayuu ku baaqay xabad-joojin

Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa ku baaqay “xabbad-joojin buuxda iyo in si buuxda loo joojiyo weerarrada dhulka, cirka iyo badda ee Israa’iil ku hayso Lubnaan.”

Israa’iil ayaa weerarro ballaaran oo dhanka cirka iyo dhulka ah ku qaaday ururka Xisbullaah.

Xisbullaah waxay saldhig ku leedahay Lubnaan, waxayna saameyn ku leedahay meelo ka mid ah dalka, balse waxay ka soo horjeeddaa dowladda Lubnaan.

Xiisaddu waxay sii korortay 2-dii Maarso, markii kooxda hubeysan ee ay taageerto Iiraan ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa’iil, taas oo ay ku sheegeen aargudasho ka dib dilkii hoggaamiyihii Iiraan, Cali Khamenei.

Madaxweyne Joseph Aoun ayaa codsaday gargaar caalami ah si ciidanka dalkiisu ula wareegaan goobaha ay gacanta ku hayso Xisbullaah loogan dhigo hubka kooxda.

Wuxuu sidoo kale sheegay: “Israa’iil iyo Lubnaan waa inay bilaabaan wada-xaajood ay kormeerayaan hay’adaha caalamiga ah.”

Related posts

Trump oo u hanjabay dalal ay xulufo dhow yihiin markii ay ka horyimaadeen qorshe uu watay

Cabdi Casiis

UK oo diyaarinaysa Markab dagaal oo loo diri karo Badda Mediterranean-ka

Cabdi Casiis

Shirka Golaha Wasiirada Somaliya Oo Lagu Wado In Uu Ka Qabsoomo Magaalada Laascaanood

Cabdi Casiis