boramanews.com

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Waajahan Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay halkaas oo uu ka dhacay Isbaddel dhinaca Maamulka ah kaddib markii uu iscasilay Laftagareen isla markaana isaga baxay Magaaladaas.

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Baydhabo, waxaa la adkeeyay nabadgalyada iyada oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Hay’adaha ammaanka si loo xoojiyo amniga.

Ciidamada gaarka ah ee Madaxweynaha Amnigiisa ilaaliya ayaa la geeyay Magaalada Baydhabo, waxaa socda diyaargarowga soo dhawaynta wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul kumeel-gaar ah u magacawday Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxaa socda dedaallo lagu abuurayo kulamo looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta iyo Mustaqbalka Dowlad-Goboleedkaas isbaddelka galay.

Related posts

Maxaa sabab u ah natiijo la’aanta kulanka madaxweynaha Suuriya iyo Hoggaanka SDF

Cabdi Casiis

Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Magaalada Minnesota

Cabdi Casiis